Qisadii QARAARAYD ee ay ku waano qaadatay gabadhii qoyskeeda kasoo carartay!

0

(Hadalsame) 25 Okt 2019 – Hadda ka hor gabar ayaa lagu soo warramay inuu khilaaf dhex maray iyada iyo seygeeda ama ninkeeda kaasi oo ka billaawday muran ka dhashay nolosha cariiriga ah ee ay ku nool yihiin, iyo duruufaha dhaqaale ee la soo gudboonaaday, dabeedna go’aan ku gaartay in ay gebi ahaanba ka cararto gurigeeda, carruurteeda, iyo ninkeeda marka ay hurdaan si aysan cidna u arkin goorta ay guriga ka dhaqaaqdo.

Haddaba gabadhii marka ay ka soo tegtay reerkeeda waxa ay si tartiib ah u soo martay gidaarrada guryaha deriskeeda ah si ay ugu dhuumato oo aan loo ogaanin qofka ay tahay maadaama ay siffo khaldan kaga soo hayaantay qoyskeeda oo aan haba yaraatee la socon ficilka foosha xun haddane lama filaanka ah ee ay sameeysay.

Nasiib wanaag gabadhii waxa ay daaqad kamid ah guryaha ka maqashay Hooyo dhibaataysan oo canuggeeda yar ugu duceynaysa inuu Eebbe ka caafiyo xanuunka laleemada ah ee asiibay ayna jeceshahay in ay aragto wiilkeeda oo faraxsan misna la cayaaraya carruurta kale ee asaaggiisa ah.

Guri kale oo ay ag martay waxa ay ka maqashay codka gabar soo jeedda waqtigaas oo Ilaahay ka baryaysa inuu ninkeeda u hagaajiyo, intaas oo keliya ma ahee mar kale waxa ay dhegaheedu maqleen gabar yar oo ooynayso kuna dhawaaqayso – Rabbiyoow adiga ayaa oofsaday Hooyaday oo aan Adduunka ugu jeclaa laakiin waxaan ogahay in ay agtaada ahaatay waxaanan rajeynayaa in ay Jannooyinkaaga dhex jiifto.

Gabadhii oo la yaaban dhacdooyinka xanuunka badan ee guri kasta ka aloosan waxa ay waqti xaadirkaan maqashay gabar iyo ninkeeda oo ka welwelsan kirada guriga kana baqaya in dibadda loo saaro haddii ay ijaarka ama kirada bixin waayaan, ku darsoo Hooyo aan weligeed ubad dhalin ayaa iyana Alle ka dalbaysa inuu owlaad ama caruur wanaagsan ku irzaaqo si ay qurux ugu soo kordhiyaan nolosha cidlada ah ee ay iminka ku jirto.

Si kastaba ha ahaatee, gabadhii kibirka badnayd ee laga kor yeelay xaaladahaas adag oo dhan waxa ay durbadiiba ku baraarugtay nimcada ballaaran ee ay haysato waxa ayna ballan ku gaartay in ay dib ugu laabato gurigeeda una towbad keento Rabbigeeda oo ku manaystay caafimaad, owlaad baarri ah iyo nin fiican oo jecel kaalmada qoyskiisa.

Guud ahaan nuxurka ku gedaaman sheekada waxa uu yahay in guri kasta ay dhibaato ka taagan tahay, dadkuna ay yihiin kuwa dhoola-caddeeya si ay naftooda u illaawdo xanuunka qalbiyadooda ku shidan, marka ha u fahmin qof kasta oo faraxsan inuu ku jiro nolol aad u sarreeyso oo dhameystiran waayo adiga ma garan kartid waxa naftiisa ka maqan ee uu jeclaan lahaa inuu ifka dushiisa ku helo.

Qalinkii: Cabdiqani Gaarane Barre (Dufle)

Hadalsame Media