”Dani idiinkuma jirto!” – Qoraa Kenyan ah oo Somalia usoo jeedisey talo wax ku ool ah!

0

(Malindi) 21 OKt 2019 – Rasna Warah oo ah qoraa, cilmi baare, weriye iyo gayfane caan ka ah Kenya oo ay wax ku qorto Daily Nation, oo ah warqaadka Kenya ugu wayn ayaa Somalia talo usoo jeedisay.

Warah oo siyaasad ahaan kasoo horjeedda siyaasadaha ku dhisan dhiig miiradka iyo danaysiga isla markaana 5 buug oo ay qortay uu ku jiro buugga Muqdisho hadda iyo horraan ama Mogadishu Then and Now (2012), ayaa ujeedkeeda sababaysay.

Waxay barteeda Twitter-ka kusoo qortay sidatan: ”Somalia waa inay iskaga baxdaa Jaamacadda Carabta. Saamaynta maalgelinta Turkigu waa ka muuqataa gudaha (Somalia).”

”Dalalka Carabtu waxay kaliya siyaasiyiinta siiyaan boorsooyin lacagi ka buuxdo, taasoo ah lacag aan wax faa’iido ah u lahayn dadka Soomaaliyeed.” ayay raacisay.

Dad badan oo baraha bulshada aragtidooda ka dhiibtey ayaa aad ugu guuxey soo jeedinta Ms Warah oo ay ku tilmaameen mid gar ah.

Hadalsame Media