Dalka Somalia oo sanad kasta la siin doono $300 milyan oo doollar haddii…..

0

(Washington, DC) 21 Okt 2019 – Somalia ayaa ku tala jirta inay dib u howlgeliso kaabayaasha dhaqaalaha iyo bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo adeegyada kale ee asaasiga ah marka laga dhaafo qaamo ku dhow $5 bilyan oo doollar bisha Febraayo ee soo aaddan, sida uu rajaynayo Wasiirka Maaliyadda Somalia.

Wasiirka Abdirahman Duale Beileh ayaa sheegay inay horumar ka sameeyeen dhinacan, kaddib markii ay la kulmeen dalalka qaamaha ugu badan leh oo ah Maraykanka, Britain iyo kuwo kale, intii uu socdey shir sanadeedkii hay’aadka dhaqaalaha galbeedka ee IMF/World Bank.

Maareeyaha International Monetary Fund, Kristalina Georgieva ayaa Sabtigii sheegtay in IMF ay si buuxda u taageerayso in Somalia qaamaha laga dhaafo “mustaqbalka dhow.”

Somalia ayaa qabta qaan dhan $4.7 bilyan oo doollar oo qaamo dibadeed ah, kuwaasoo ay IMF ku calaamaysay kuwo aan la bixin karin, iyadoo arrintan markale lagu eegayo kulan ay Nofeembar yeelanayaan Guddiga Maamul ee IMF.

Britain, Midowga Yurub iyo Qadar ayaa ballan qaaday inay Somalia ka bixiyaan ilaa $150 milyan oo doollar oo ka mid ah qiyaastii $330 milyan oo ay ku leedahay IMF.

Somalia oo aan 30 sano helin taageero dhaqaale oo la taaban karo oo lagu dhaqaajiyo kaabayaasha asaasiga ah, ayaa haddii qaamahan laga dhaafo waxay sanad kasta heli doontaa $300 milyan oo doollar oo ay wax uga qabato adeegyada bulshada iyo mashaariicda dib u dhiska.

Hadalsame Media