Xulka Talyaaniga oo jebiyay rikoodh ay dhigeen 1938-kii + Sawirro

0

(Vaduz) 15 Okt 2019 – Macallin Roberto Mancini ayaa jebiyay rikoodh uu Talyaanigu horay u dhigay oo ahaa 10 guulood oo xiriir ah, kaadoo uu dhigay macallinkii Koobka Adduunka qaaday ee Vittorio Pozzo sanaddii 1938-39.

Xulka Talyaaniga oo horay ugu soo baxay Euro 2020 ayaa caawana 5-0 ku xaaqay xulka Liechtenstein, isagoo sidaa ku joogtaynaya rikoodhkiisa boqolka ah ee Wareegga J.

Waxaa kale oo dheer in kulankani uu taariikhi u noqday Mancini, oo barbarreeyay rikoodhkii Pozzo. Talyaaniga ayaa rikoodhkaa dhigay min Maajo 1938 ilaa Maars 1939, iyagoo xilligaa ka fara xashay Belgium, Yugoslavia, Norway, France, Brazil, Hungary, Switzerland, France markale iyo Germany.

Guulahaa waxaa ka mid ahaa dhamaanba Koobkii Adduunka 1938-kii, oo ay dhamaadka ku garaaceen Hungary oo ay 4-2 direen.

Mancini ayay guulihiisu kasoo bilaabmeen Maraykanka bishii Nofeembar 2018, waxaa xigey Finland, Liechtenstein, Greece, Bosnia-Herzegovina, Armenia, Finland markale, Greece markale iyo Liechtenstein markale.

Muddadaas waxay xulka Talyaanigu ama Azzurri ay dhaliyeen 25 gool, waxaana laga dhaliyay 3 gool oo qura.

Talyaaniga ayaa u muuqda kuwa si adag uga jawaabey ka haritaankii KA2018 oo dalkaasi looga arkay ”musiibo qaran” oo kale.

Hadalsame Media