Aadan Ducaale uma gefin Farmaajo ee wuxuu u gefey umadda Soomaaliyeed (Arag qoraalladiisa)

0

(Hadalsame) 16 Okt 2019 – Dastuurka dalka Soomaaliya wuxuu ku qasbayaa hogaanka xukuumadda Soomaaliya inuu difaaco dhulka iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya, wuxuu kaloo leeyahay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waa astaanta dalka Soomaaliya.

Af-hayeenka Golaha sharci dejinta dalka Kenya Adan Bare Du’ale, waa ninkii meel mariyay sharcigii ahaa inay dowladda Kenya ayku duusho dalka Soomaaliya ayna xoog ku qabsato dhulkeeda iyo badeeda (eeg warqadaha hoosta ku lifaaqan oo ah mooshinkii uu ku codsanayay in Somalia xitaa weerar lagu qaado).

Waxaa nasiib darro ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, inuu Aadan Ducaale uu Soomaaliya dhexdeeda gaf ugu geeysto hoggaanka Jamhuuriyadda dalka Soomaaliya iyo guud ahaanba dalka Somalia.

Gafkaasi waa mid sharaf darro ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, tani waxay ka marqaati kaceeysaa meesha ay maanta Soomaali is dhigtay, waxay ahayd inkastoo aan ku kala fikir duwanahay siyaasadda dalkeenna, in marka ay timaado difaaca sharafka iyo dalka Soomaaliya inaan isku mowqif ka noqonno arintaas.

MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa shakhsi maanta jooga berina bixi kara, laakiin sharafka Soomaaliya waa sharafkaaga dadnimo maanta iyo baritaba.

Wa bilaahi towfiiq

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaassim

Hadalsame Media