Somalia oo loo diyaarinayo Ciidamada Cirka ah oo dibedda loo qaadayo (Arag shuruudaha)

0

(Muqdisho) 14 Okt 2019 – Ogeeysiis: Dhamaan Ardayda dhameeysatay Waxbarashada Dugsiga sare waxaa la ogeysiinayaa in Ciidanka Xoogga Dalka uu qaadanayo Layli Sargaal oo Dalka Dibadiisa lagu soo Tababaridoono.

Hadaba qofkii daneynaya waxaa laga doonayaa:
1 – Soomaali inuu yahay
2 – Inuu heeysto Shahaadada, Dugssiga Sare) laba farac (Cilmi ama Adabiga) ama Shahaado udhiganta.
3 – Ardayga inuu kasoo gudbo Wareeysiga Taliyaha Kulliyadda).

4 – Ardayga inuu ka gudbo imtixaanka Dhismaha Jirka
5 – Ardayga inuu ka gudbo Baarista Caafimaadka
6 – Ardayga Da”diisua waa inay kaweeynaan (21 sano )
7 – Ardayga Dhererkiisa iyo miisaankiisa waa inay isku dhigmaan, ugu yaraan (165cm/54Kg) ugu badnaan (188cm/95kg.)
8 – Ardayga Luqadda (ENGLISH)kiisa inaysan kayaraan (5) IELTS International English Language Testing System) Imtixaanka Luqadda Ingiriiska Caalamiga ah.

Shahaadooyinkooda waxay kusoo hagaajinayaan:

Email: somaliairforces2015@gmail.com.

Ardaydu Shahaadooyinkooda Mudo 5-maalmood gudahood waa inay kusoo dirsadaan oo kabilaabaneeysaa 15-10-2010 ilaa 20-10-2019.

FG: Ardaygii Shahaadadiisu aysan ku cadeeyn Taariikhda Dhalashada wuxuu soo raacinayaa warqadda Dhalashada.

Hadalsame Media