Shacabka & siyaasiyiinta mucaaradka ah oo si kal & laab ah u taageeray weerarka ay dowladda Turkigu ku qaadday Suuriya

0

(Ankara) 10 Okt 2019 – Shacabka reer Turi iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa taageero ballaaran u muujiyay duullaanka ay dowladoodu ku qaadday woqooyiga Suuriya, iyagoo aan u joojin qayla dhaanta caalamiga ah ee lagu cambaaraynayo tillaabada Ankara.

Weerarkan lagu qaaday kooxda Kurdish-ka ah ee Syrian Democratic Forces (SDF) oo ay Turkigu u arkaan koox ”argagixiso ah” ayaa aad loogu amaanay warbaahinta dalkaasi oo nooc walba leh min mucaarad ilaa muxaafad.

Waxaana bogagga hore lagu sharraxay sawirrada askarta Turkiga ee weerarkaa ka qayb qaadanaysa iyo qalabkooda ciidan, waxaa sidoo kale TV-yadu soo duwayeen barnaamijyo gaar ah oo lagu dhiirri gelinayo ciidamada dalkaasi, sida shacab calamo lulalaya oo ciidamada ugu gacan haadinaya jidadka.

Waxaa intaa dheer in salaatul xaajo loogu ducaynayo ciidamada Turkiga laga oogey 90,000 oo masjid oo ku kala firirsan dalka Turkiga, sida uu qoray warqaadka Daily Sabah.

Hadalsame Media