RASMI: Somalia oo u yeertey Danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho (Warqad loo gudbiyay)

0

(Muqdisho) 10 Okt 2019 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Xiriirka Caalamiga ah ayaa u yeertey Danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho Sarreeye Gaas (howlgab) Lucas Tumbo, kaasoo uu qaabiley Wasiiru Dowlaha  Cabdulqaadir Axmed-kheir Cabdi, kaasoo u gacan geliyay warqad ashtako ah oo ka dhan ah xadgudub ay Kenya u gaysatey hawada Somalia 5-tii bishan Oktoobar, iyadoo aan fasax u haysan.

”Somalia si xooggan ayay uga soo horjeeddaa xad-gudubkan mana aqbali doonto in loosoo dhoco hawadeeda, baddeeda iyo xuduudaha dhulkeeda.” ayaa ku qoran warqadda.

Somalia ayaa Kenya ugu baaqday inay kasoo jawaabto xad-gudubkan jeer ay ciidamadeedu joogaan Jubbada Hoose iyagoo ka tirsan howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

”DF Somalia waxay ficilkan u aragtaa mid ka hor imanaya mabaadii’da deris wanaagga ee ku dhisan inaan la faragelin umuuraha gudaha dalalka kale.” ayay Somalia raacisay ashtakadeeda.

Hadalsame Media