RASMI: Stefano Pioli oo noqday macallinka cusub ee AC Milan

0

(Milano) 09 Okt 2019 – AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu hadda kaddib kooxda 1-aad macallin u yahay Stefano Pioli, kaasoo bedelaya Marco Giampaolo oo shalay la cayriyay, kaddib bilow wareersan iyo dookhyo su’aalo keenay.

Macallinkan ayaa Parma ku dhashay 20-kii Oktoober 1965-kii, wuxuuna Stefano Pioli waayihiisa macallinnimo bilaabay 1999-kii. Kulankii ugu horreeyay wuxuu dhanka Serie A ka qabtay 2006-dii, goortaasoo uu wadey kooxda Parma. Marka laga yimaado hal mar oo uu Lazio usoo saaray CL 2015, abidkii wax koob ah ma qaadin 16 sanadood.

Wuxuu soo layliyay kooxaha Chievo Verona, Palermo, Bologna, Lazio iyo Inter, kahor intaanu Fiorentina la wareegin tan iyo 2017-kii. Stefano Pioli ayaa haatan Milan kula biiraya qandaraas 2 sano ah oo ay ku xiran tahay shuruud ah inuu kooxda usoo saaro koobabka Yurub, haddii wuxuu qandaraaskiisu dhamaanayaa Juun 2020.

Taageerayaasha Milan ayaa aad u mucaaradsan tillaabadan uu qaaday naadiga Milan, iyagoo doonayay macallin wayn, waloow lagu guul darraystay in lasoo helo Luciano Spaletti oo ay Inter isku mari waayeen sida loo xallinayo qandaraaska uu weli kula jiro. Waxaa xalay dunida 1-aad ama 2-aad ka noqday hashtag la yiraahdo #Pioliout.

Hadalsame Media