DHEGEYSO: Xisbiga soo galooti diidka ah ee SD oo taageeray hindise ay wadato dowladda Sweden

0

(Stockholm) 09 Okt 2019 – Dowladda Sweden ayay u badan tahay inay sii amba qaaddo hindise ku dhisan in si intii hore ka badan loo simo dhaqaalaha degmooyinka iyo gobollada ku kala duwan heerka maaliyadeed.

Xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa sheegay inay u codeeynayaan hindisahan, oo salka ku haya in si ka duwan habkii hore oo cadaalad ku dhisan loo qaybiyo dhaqaalaha degmooyinka waaweyn laga qaado ee lagu maal geliyo degmooyinka yaryar iyo dadka ku dhaqan meelaha durugsan.

Oscar Sjöstedt, waa afhayeenka arrimaha siyaasad-dhaqaale ee xisbiga SD. “Dowladda waannu ku taageeri doonnaa hindisahan, sidaa darteed, waxay u badan tahay in uu gudbo marka ugu dambayn la hor keeno baarlamanka si loogu codeeyo,” ayuu yiri Oscar Sjöstedt.

Aragtidani waxay daarran tahay in gobollada iyo degmooyinka dhaqaalaha badan heli kara iyo kuwa fog fog ee woxoogaa faqriga ah, loo sameeyo xaalad dhaqaale oo siman.

Daraasad sanadkii tegey la sameeyay ayaa lagu guddoonsadey in arrintan dib u qaabayn lagu sameeyo, iyadoo isha lagu hayo waxbarashada iyo goobaha uu dakhligoodu hooseeyo, waxaa sidoo kale la eegayaa farqiga dhaqaale ee u dhexeeya gobollada woqooyiga iyo koonfurta dalka.

Sida ku cad hindisaha dowladda, waxaa dakhliga la wadaagayo oo haatan ah 9.7 bilyan oo karoonka iswiidhishka la gaarsiinayaa ilaa 11.5 bilyan oo karoon.

Axsaabta isbahaysiga Casaan Cagaarka iyo xisbiga Centerpartiet ayaa iyaguna sheegay inay hindisahan dowladda ku taageerayaan, tiiyoo ay jirto inuu xisbiga Liberaalku ka codaynayo. Sida uu sheegayo Mats Persson, oo siyaasad-dhaqaalaha ugu qaybsan xisbiga Liberaalka.

– Arrimaha barwaaqo sooranka bulshada iyo degmooyinku meel wayn bay naga joogaan. Taasina waa sababta aynaan u deg degayn, balse waa inaanu mas’uuliyadeenna qaadannaa marka ay dowladdu lacag dheeraad ah cayrsanayso, ayuu yiri Mats Persson.

Saxafiga Tomas Ramberg oo laanta wararka Ekot uga faallooda siyaasadda gudaha ayaa isna mar uu ka faalloonayay tillaabada uu xisbiga SD ku dhaqaaqay sheegay in xisbiyadu u muuqdaan kuwo xoogga saaraya iney u codeeyaan halka dantu ugu jirto marka ay timaado goobaha ay ku badan yihiin dadka ay codadka ka helaan.

– Xisbiyada Moderaterna iyo Liberalerna saldhigga taageeradoodu u badan tahay waa magaalooyinka iyo degmooyinka waaweyn oo ay qaarkood ka careeysan yihiin isku dheeli tirka dhaqaale ee dawladdu ku talo jirto oo aysan waxba ka helaynin.

Halka xibiga Sverigedemokraterna iyo Center-kuba taageero ballaaran ku heystaan dibadaha magaalooyinka waaweyn, sida uu sheegay isla weriye Tomas Ramberg oo ay saaka warreeysi la yeelatay laanta idaacadda P1 morgon.

– Xisbiga Sverige Demokraterna wuxuu si la mid ah Center-ka uu dad badan ku leeyahay meelaha ka baxsan magaalooyinka waawayn, ayuu daba dhigay.

Hindisahan cusub oo sida muuqata Baarlamanka mari kara ayaa haddii ay taasi dhacdo dhaqan geli doona 1-da Jannaayo ee sanadka soo aaddan.

Hadalsame Media