Sanad kaddib qalitaankii Khashuuqji maxaan ka ognahay kiiskiisa?

0
TOPSHOT - A demonstrator holds a poster picturing Saudi journalist Jamal Khashoggi and a lightened candle during a gathering outside the Saudi Arabia consulate in Istanbul, on October 25, 2018. - Jamal Khashoggi, a Washington Post contributor, was killed on October 2, 2018 after a visit to the Saudi consulate in Istanbul to obtain paperwork before marrying his Turkish fiancee. (Photo by Yasin AKGUL / AFP) (Photo credit should read YASIN AKGUL/AFP/Getty Images)

(Hadalsame) 04 Okt 2019 – Ayadoo 2-dii bishan ku beegnayd maalinkii Wariye Jamal khashoggi la dilay ayaan weli waxaan jirin cid si rasmi ah loogu qabsaday falkaasi.

Wariye Jamaal waxaa lagu dhex dilay Qusuliyadda Sacuudigu ku leeyahay Magaalada Istanbuul, xilli uu isku diyaarinayay Guurka Gabar Turkish ah oo ay wada socdeen, si uu u soo qaato warqado arrimahaas quseeya ayuuna 02/0ctober/2018-kii aaday Qusuliyadda hayeeshee kama soo noqon.

Sacuudigu waa ay iska fogeeyeen in ay xataa wax war ah ka hayaan Jamaal, balse baaritaanadii Sirdoonka Turkiga ayaa dhamaan waxa ay ku biya shubteen in Jamaal uu galay Qunsuliyadda markaasna ay u dambeeysay war iyo wacaalkiisba, Arinkaas waxaa sii xoojiyay Natiijadii Baarayaasha Caalamiga ahaa iyo goor dambe oo ay Sirdoonka Turkigu soo Bandhigeen Codod la helay.

Sidoo kale Sirdoonka Turkigu waxa ay soo bandhigeen Sawirrada iyo Magacyada Kooxdii Fulisay Dilka khashoggi kuwaasoo dhamaan ahaa Ciidamada qaaska ah ee Boqortooyada Sacuudiga iyo saraakiil ka tirsan Sirdoonka Boqortooyada.

Arinkaas ayaa dhaliyay tuhun weyn oo ah in dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya uu ku lug lahaa ama uuba bixiyay Amarka lagu dilay Wariye Jamaal, oo la rumeeysanyahay in dilkiisa ka dib Jirkiisa la Jar-jaray kadibna lagu gubay foorno ku taalla Guriga uu daganaa Qunsulka Sacuudiga ee Istanbuul kaasoo in Cabaar ah u jira Qunsuliyadda Sacuudiga.

Axaddii dhaweyd Wareysi uu bixiyay Maxamed Bin Salmaan (dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga) waxa uu isaga fogeeyay in uu baxshay Amarka lagu dilay Jamal khashoggi, balse ka Amiir ahaan ay Mas’uuliyad ka saarantahay maadama uu ahaa Muwaadin Sacuudi ah.

Shir Madaxeedkii UN ka ee New York dhawaan ka dhacay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa Khudbaddiisii ku soo qaatay khadiyadda dilka Jamal khashoggi, taasoo cadeyn u ah in Turkigu wali daba taaganyahay arinkaas maadama halka uu falku ka dhacay ay Ciidda Turkiga ahyed.

Dilka Wariye Jamal Khashoggi ayaa ah mid Dunida oo idil ka fajiciyay waxa ayna taasi hoos u dhigtay saameeytii dublamaasiyadeed ee uu Sacudigu kulahaa Caalamka. Maalin dhowayd Dhaxal Sugaha Sucuudiga ayaa sheegay inuu mas’uuliyadda qaadanayo, balse misna waxba isma beddelin oo isagu wuxuu sheegay inuu sidaa u yeelayo ”hoggaamiye ahaan” taasoo ka dhigan inuu weli dafirsan yahay dembiga uu ku eedaysan yahay.

W/Q: Maxamed Ismaaciil Khatami

Hadalsame Media