DHEGEYSO: Sweden oo qabatay TARMUUSYO lagusoo qariyay walxaha qarxa

0

(Gävle) 04 Okt 2019 – Guri ku yaalla magaalada Gävle oo sida ay horay todobaadkii tegey u sheegtay P4 Gävleborg ay booliisku daroogo ka baareen ayaa haatan laga helay tarmuusyo ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Warsidaha Aftonbladet ayaa isagoo booliiska soo xiganaya faafiyay inay ciidamada amaanku la wareegeen taraamuustaas lagu qariyay walxaha qarxa.

Dacwad ooge Therese Stensson oo isla Aftonbladet la hadashay ayaa sheegtay inaanay iminka doonayn inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiso cidda la tuhunsan yahay iyo ujeedka walxahan loo adeegsan lahaa, iyadoo sheegtay in durba la bilaabay oo uu socdo baaritaan hordhac ah oo qarsoodi ah.

Si kastaba marka la eego dabeecadda agabkan la qabtay waxaa dembigan la tuhunsan yahay cinwaan looga dhigay in uu ujeedku ahaa kharbudaadda hanti dadwayne.

Ilaa 6 qofood ayaa lagu tuhunsan yahay arrintan kuwaasoo bartilmaameed u ah baarista soconaysa. Hal qof ayaa arrintan loo qabtay, midkalena waxaa bilowday geedi socodka qabashadiisa manta oo Jimce ah, halka 4 kale aan weli la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Hadalsame Media