MAKIINADDII BILILIQADA: Hantiilayaal, hoggaamiye kooxeedyo, tahriibiyeyaal & xatooyada abaabulan ee xoolaha Afrika

0

(Hadalsame) 03 Okt 2019 – Buuggan oo magaciisa idiinka muuqdaa yahay The Looting Machine oo uu qoray weriyaha Financial Times u shaqeeya ee la yidhaahdo Tom Burgis.
Buugani oo uu qoray suxufi reer galbeed ahi waxa uu ka kooban yahay 307 baal ama bog iyo toban cutub.

Buuggu waxa uu ka waramayaa khayraadka qaaradda Afrika ee kala gedisan hadday tahay macaadin iyo hadday tahay saliidba in ay ku takri falaan quwado shisheeye oo uu inta badan isagu eedda ugu weyn tunka u saarayo China isagoo reer galbeedka ka dhigaya kuwo aan shiddo badan lahayn.

Qoraagga buuggu waxa uu xusayaa in qaaradda Afrika gaar ahaan waddamada macaadinta iyo saliida leh 98% ay dadkoodu macaluul u le’nayaan, qaaradda ayaa hooy u ah 13% bulshada caalamka, 2% GDP-ga dunida, 15% saliidda qaydhin, 40% oo dahab ah iyo 80% Platinum, 2010-kii waxaa la sheegaa in qaaraddu ay soo gashay adduun dhan $333 Bilyan oo ka soo xarooday macdan iyo saliido la dhoofiyay.

Angola oo ah waddan ay ku dhaqanyihiin dad tiro ahaan lagu qiyaaso 20 milyan oo qof oo ah waddanka saddexaad ee ugu dhaqaalaha badan wadamada ka hooseeya saxaraha oo ay ka horeeyaan oo keliya Nigeria iyo South Africa, waxaanu qoraagu sheegayaa in 2002-dii ay nabadi dib uga dhalatay ka dib dagaalo ka holcay oo ay ku naf waayeen dad tiro ahaan lagu qiyaasay 500,000, Madaxweyne Dosontos ayaa xukunka yimid isagoo uga faaideeyay qoyskiisu inay ka hodmaan khayraadka waddankaas Angola, Isabel oo ahayd inantiisa ayaa jariiradda Forbes ay 2013-kii daabacday inay tahay qofkii ugu horeeyay ee dumar ah ee bilyaneerad ah ee qaaradda ka soo jeeda. Angola ayaa la sheegaa inay tahay waddanka labaad ee shiidaaliya China marka Sacuudiga laga reebo, saliidda ama shiidaalka ayaa lagu sheegaa in 98% uu ka yahay waxyaalaha ay Angola dibadda u iibgayso.

IMF ayuu qoraagu sheegayaa in ay sheegtay in 2007-2010-kii la waayay adduun dhan $32 Bilyan oo ku dhaw miisaaniyadda wadamo badan oo qaaradda Afrika ka mid ah, madaxdaas xukunka qabsatay ayaa cadaadis aan caadi ahayn saaray mujtamacoodii iyagoo mararka qaarkoodna ku qasbaan in xataa shacabku ka bacoobaan in ay teleefan ku wada hadlaan iyagoo ka cabsi qaba in nabad sugiddu ay dhegaysanayso, miisaaniyadii 2013-ka ee waddankaas loo qoondeeyay waxay ahayd 18% difaac, 5% caafimaad, iyo 8% oo ah waxbarasho Afrikaanku waa isku itaal waddan kasta oo uu yahayba, UK ayaa isagu afar laab ka badan miisaaniyadda loo qoondeeyay waxbarashada iyo caafimaadku dhank difaaca ama ciidanka. Sonangol ayaa kambaniga kala jara wax alaaliye wixii shiidaal ku saabsan waxaanu xusaya koox kacaamaysan oo Fatungo la yidhaa oo ah silsilad isku xidhan oo taxan madaxtooyada illaa dilaaliin.

Waddanka Congo oo ka mid ah wadamada aan mahadin macaadinta waddankaasi gaarka u leeyahay ayaa la sheegaya, Yahuudi magaciisa la yidhaahdo Gertler ayaa bixiyay lacag dhan $20 milyan oo ulajeedadu tahay in monopoly loogu xidho macdanta waddankaas, Kabila oo 2006-dii doorashada ku guulaystay ayuu qoraagu sheegayaa in ninkaasi ka caawiyay guushiisa, Waddanka kale ee Nigeria ayuu aad ugu talax tagayaa qoraagu waddankaas oo ay deganyihiin mujtamac lagu qiyaaso 170 milyan waana waddanka ugu weyn ee soo saar saliidda, 62% shacabka Nigeria waxay hoos mareen liidinta macaluusha, Waddankaas waxaa in badan hantidiisa u dhacay wadamo badan oo China ka mid yihiin isagoo qoraagu aad ugu talaxtagay joogitaanka China ee wadamada qaaradda oo uu welibana ku shaambadaynaayo inuu si waali ah u rarto macaadinta iyo saliidaha qaaradda.

Wadamo kale oo door ah ayaa iyaguna macdanahooda sidaad loo gurtaa oo ay ka mid yihiin Mali, Chad iyo guri-dambaysta Afrika ee South Sudan waxaana loo tiriyaa sharikadaha waaweyn ee reer galbeedka iyo kuwa China inay si aan maangal ahayn u boobeen khayraadkii wadamadaas, waxaa is bedelay iskaashiyadii dunida iyadoo China imaanshiyihiisa qaaradda loo tiriyo ninka la yidhaahdo Sam Pa oo xataa sirdoonka reer galbeedku ay ku dawakheen meelaha qaarna la arkayba sideed mgac oo uu leeyahay waxaanay ku doodaan in dunidii is bedeshay oo iskaashi uun imika loo jeedsaday ” Today Intelligence is for natural resources” China ayaa ah waddanka ugu shiidaal isticmaalidda badan oo uu Maraykan oo keliya ka horeeyo.

Intaas iyo inkale oo badanba waxaad ugu tagaysaa buugaas Tom uu qoray.

Waxaa Diyaariyay: Axmed Sulaymaan

Hadalsame Media