SOMALIA & CAALAMKA YAA GAR DARAN? Dowladda, maamullada & mucaaradku ma yihiin kuwo loo dhan yahay?!

0

(Hadalsame) 03 Okt 2019 – War-murtiyeedka kasoo baxay shirkii iskaashiga Caalamka iyo Soomaaliya, nuxurkiisa wuxuu ahaa, in dowladda iyo Baarlamaanka ay sharciyeeyaan ugu danbayn Diseembar, 2019, sidii loo fulin lahaa doorasho qof iyo cod ah (one man one vote 2021).

Sidoo kale in la dalka Soomaaliya loo dhisto Maxkamad Dastuuri Madaxbanaan, qodobka ugu mihiimsan wuxuu ahaa In aduunka ay si cad u sheegeen In siyaassada dalka iyo dowladnimadda ay noqoto mid leh KA QAYB GAL GUUD( inclusive governance), tasoo aan u arko mida ugu nuhiimsan ay aduunka aad ugu adkeeyeen shirkaas.

HAB-DHISMEEDKA KA QAYB GAL GUUD (INCLUSIVE GOVERNANCE)

Haddaba aan eegno runta sida: dowladda, maamul goboleedyada iyo mucaaradku ma yihiin kuwo loo dhan yahay!

DOWLADDA DHEXE:

1– Dowladda Federaalka marka aad eegto Golaha wasiirada, Bankiga, Dastuurka, Hogaanka Ciidanka, Garsoorka, Safaaradaha kuma dhisna ka qayb gal guud, tasoo aan ka wado inay dad badan ka maqan yihiin hogaanka iyo dowladaba. (Not inclusive)

MAAMUL GOBOLEEDYADDA:

2 – Maamul Goboleedyada dalka ka jira hab-dhismeedkooda waa kuwa aan ku dhisnayn ka qayb gal guud, dowlad goboleedkasta waxaa maamulka iyo hantidaba ayku kooban yihiin beelo gaar ah, inta badan dadka u dhashay goboladaas waxba gacanta kuma jiraan, maamulka iyo taladiisaba. ( (Not inclusive)

MUCAARADKA AAN KU DARO:

3 – Mucaaradka dalka ka jira ma aha mid loo dhan yahay waa mid ku dhisan Qabiil iyo dano shaqsi, tasoo ay wali xoog badan tahay danta qabiilka, xubnahana waa wada qaraabo (not inclusive).

Caalamkuna wuxuu rabaa inuu taageero nidaam xaq iyo cadaalad ku dhisan, Soomaalina qabiil iyo dano shakhsiyadeed buu maamulkooda ku dhisan yahay, hadaba sidee baa laysku waafajinayaa arrimahaan?

Soomaalida ayaa arrinkaan ku gar daran, Caalamkana ayaa ka guuleeysan doono, waxaana lagu qasbi doonaa ku dhaqanka sharciga iyo cadaalaada, sida ay aniga ila tahay, aduunka maanta ma taageeri doono maamul ku dhisan dan qabiil.

Wa bilaahi towfiiq

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaassim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media