DILKA ”SHARAFTA”: Sweden oo soo rogaysa hab-garsoor saamayn doona dadka ajnabiga ah ee dembiyada QARSADA!

0

(Stockholm) 02 Sebt 2019 – Maxkamadaha ayaa doonaya inay muhiimad wayn siiyaan xogaha ama wacaalka ay dhibbanayaasha iyo marqaatiyaashu horraanta ey booliiska u sheegaan, ujeedkuna waa in arrintaa lagula dagaallamo cadaadis qofka kaga yimaada dhaqamada aamuska ku salaysan, sida ay qabto hay’adda ka hortagga dembiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo BRÅ.

Golahan oo dowladdu u xil saartay ayaa muddo daraasadaynayay sida loogu tunto sharciga marka la eego waxa loogu yeero dhaqamada aamuska ku dhisan – halkaasoo qofka dembi arkay ama lagula kacay loo caga jugleeyo si uu uga aamuso geeddi socodyada sharciga – iyo sidii lagaga hortegi lahaa.

Johanna Skinnari, waa maamulaha mashruuc ay arrintan ugu talagashay hay’adda BRÅ.

– Dhaqanka aamuska waxaan ula jeednaa inay jiraan xeer-dhaqameedyo wadareed oo faraya in qofku aanu waxba u sheegin howl wadeennada sharciga iyo garsoorka. Waxaannu arrintan badiyaa ku aragnaa shabakaadka dembiyada abaabulan balse sidoo kale dhinacyada gacan ka hadalka la xiriira dil-sharafeedyada, ayay tiri Johanna Skinnari, mar ay warreeysi siisay Simon Andrén, oo ka howl gasha laanta wararka Ekot.

Tusaale ahaan, xilliyada lagu jiro baaritaannada booliiska, waxaa dhaca dhowr dhegeysi oo xog looga helo markhaatiyaal iyo dhibbanayaal, yeelkeede, waxa ugu muhiimsani waa ereyada marka ugu dambeeysa laga sheego dhismaha maxkamadaha.

Sidaa darteed, qof si wax ugu sheegay booliiska oo ku warreeystay goobtii uu dembigu, ayaa kadib saamayn dibadeed darteed, bedelaya xogta uu maxkamadda siinayo, taasoo maxkamadda ku khasbaysa inay muhiimadda siiso xogtan dambe ee bedelen.

Hindisayaasha ugu waawayn ee BRÅ waxaa haddaba ku jirta in la dedejiyo geeddi socodyada sharciga, waayo bay leeyihiin in lasoo gaabiyo muddada baaristu waxay yaraynaysaa in la helo fursad loo helo in lagu saameeyo marqaatiga iyo dhibbanaha, waxay kaloo sahlaysaa inuu qofku si wacan u xusuusto wixii dhacay, sidaa darteed waa in culayska la saaraa xogta hore.

Hindisahan Golaha Ka hortagga Dembiyadu wuxuu sidoo kale waafaqsan yahay mid la soo bandhigay 2017-kii oo uu waday Xafiiska Baarista Qaranka, kaasoo khuseeynayay xeerarka marqaati furka kiisaska dembiga ah.

Ola Sjöstrand, oo ah xeer ilaaliye sare oo ka howlgala xafiiska dacwad oogista guud ee Malmö ayaa aaminsan in hindisahani noqon doono mid wax ku ool ah

– Dhaqanka aamusnaantu ee dembiyada culus waa mid aad u baahsan. Sida aan aaminsanahay iminka ma jiraan awood sharci ah oo culeeys lagu saari karo, si qofku u qaado masuuliyadda bulshada ka saaran oo uu u hadlo, sida uu sheegay.

Hadalsame Media