Kenya oo kulan hoos loo dhigay la yeelatay RW Khayrre (Somalia oo hal arrin muujisay)

0

(Muqdisho) 02 Okt 2019 – Waxaa soo baxaya kulan aan sidaa loo sheeg sheegin oo habeennimadii xalay dhexsaday  Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayrre iyo wefdi ka socday Wasaarad Dibadeedka Kenya oo shalay gaarey magaalada Muqdisho.

Kulankan oo qiyamkiisa hoos loo dhigay (low profile) ee ay Kenya la yeelatay Ra’iisul Wasaaraha dalka, ayaa waxaa Kenya ku metelayay Kaaliyaha Wasiirka Dibadeedka Kenya, Ababu Namwamba, Agaasimaha Nabadda iyo Amniga ee Wasaaraddaasi, Md John Kilonzi iyo Danjiraha Kenya ee Soomaaliya Jentaalka howlgabka ah ee Lucas Tumbo.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay daba socdaan shir-doceedkii dhowaantan New York ku dhexmaray labada madaxwayne ee Somalia iyo Kenya ee Farmaajo iyo Kenyatta oo ka wada hadlay sidii loo caadiyayn lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee beryahan aadka u xumaa, tan iyo markii ay sheekada xumaysay Kenya oo sheeganaysa dhul-badeedka Somalia ee koonfurta fog ee gobolka Jubbada Hoose.

Ababu Namwamba ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo xarriiqay: “Wada hadal ayaan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo aan ka wada hadalnay arrimaha labada dhinac oo dan u ah Kenya iyo Soomaaliya.”

Somalia ayaa u muuqata mid muranka ay Kenya la gashay ee diblomaasiyadeed ugu yaraan ilaa haatan dunida ku tustay inay leedahay siyaasad dibadeed macquul ah iyo galaangal caalami ah oo ka badan midkii la filayay.

Hadalsame Media