Xuutiyiinta oo sheegtay inay qabsadeen 3 GUUTO oo ka mid ah Ciidamada Sucuudiga (Arrin ay maanta la maaggan yihiin)

0

(Najraan) 29 Sebt 2019 – Fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yaman ayaa sheegtay inay qabsadeen askar fara badan oo Sucuudiyaan ah kaddib markii ay weerar culus ku qaadeen xero ku taalla xadka labada dal.

Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa BBC u sheegay in ay isa soo dhiibeen 3 guuto oo ka mid ah ciidamada Sucuudiga dagaal socdey 72 saacadood kuwo badanna ay ku dileen meel u dhow magaalada Najraan.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkani ahaa midkii ugu ballaarnaa tan iyo bilowgii dagaalkan. Gaashaanle Yahiya Sarea ayaa sheegay in ciidamada Sucuudigu ay la kulmeen “khasaaro nafeed iyo mid qalab oo culus”.

Wuxuu intaa raaciyay in sida uu yiri ay maanta oo Axad ah lasoo rigayn doono ciidamadaasi ay qabsadeen, iyagoo kasoo dayn doona TV-ga ay Xuutigu maamulaan ee Al Masirah TV.

Dagaalkan oo bilowday 2015 kaddib markii dalkaa laga soo cayriyay MW Abdrabbuh Mansour Hadihe ayaa sababay dhibaato aadminnimo oo saamaysay 80% dadka – waa in ka badan 24 milyan – kuwaasoo u baahan kaalmo joogta ah waxaana ku jira 10 milyan oo toos ugu tiirsan cunno loo qaybiyo.

In ka badan 70,000 ayaa la rumaysan inay dhinteen tan iyo 2016-kii, ha yeeshee, Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa haatan isku khilaafsan ujeedka dagaalkan oo ay haatan khasaaro badan oo sumcadeed iyo mid jireed kasoo gaartey labadaa dal.

Hadalsame Media