HALIS AASAN: Afar arrimood oo ay Kenya la maaggan tahay Soomaalida haddii looga guulaysto dacwadda badda

0

(Hadalsame) 29 Sebt 2019 – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kenya ay isu diyaarisay in ay la wareegto hantida Soomaalida ee Kenya haddii ay maxkamadda ICJ ku dhawaaqdo in Soomaaliya ay kaga guuleysatay dacwadda badda.
Kenya waxay la wareegi doontaa:

1. Hanti ganacsiga ah ee uu qof Soomaali ah ku leeyahay Kenya ama shirko uu ku yahay.
2. Guryaha ay dadka Soomaalida ah ka iibsadeen Kenya.
3. Lacagaha dadka Soomaalida ah u taalla bangiyada Kenya.
4. Gaadiidka ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin ee badeecooyinka u kala gudbiya Kenya iyo dalalka kale IWM.

Waxaa kale oo laga welwel qabaa in dadweyne careysan ay boob iyo burburin u geystaan goobaha ay taallo hantida Soomaalida, si la mid ah South Africa amaba ay abuurmaan xaalado ka qatarsan.

Waxaa dadka Soomaaliyeed ee hantida ku leh Kenya loogu baaqayaa in ay arrintaas ku baraarugaan, una diyaargaroowaan.

Waxaa Diyaariyay: Abuukar Al Badri

Hadalsame Media