DAAWO: Fanaanadda caanka ah ee Naada Al Qalca oo Somalia imanaysa + Sawirro

0

(Kharduum) 26 Sebt 2019 – Fanaanadda caanka ah ee reer Suudaan ee Naada Al Qalca oo shacbiyad wayn ku leh fanaka reer Suudaan iyo dalal kale oo Carbeed ayaa ka dhawaajisay inay dhici karto inay Somalia booqato.

Fanaanadda ayaa sheegtay inay xafiiskeeda gaarka ah ku qaabishey wefdi ka socdey Safaaradda Somalia ee Suudaan, iyadoo la kulantay rag uu hoggaaminayay la taliyaha arrimaha ganacsiga ee Safaaradda Md Yuusuf Axmed Xasan.

Naada ayaa sheegtay inay usoo bandhigeen inay waqtiyada soo aaddan xaflad ku qabato Somalia, isla markaana ay haddiyado u keeneen, iyadoo arrintaa ka mahad celisey.

Fanaanada ayaa la filayaa in ay dhowaan booqasho ku timaado caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Hadalsame Media