DHEGEYSO: Gabdho Soomaali ah oo meel uga soo baxay Soomaalida degaankooda & sababta ku dhalisay!

0

(New York) 25 Sebt 2019 – Guddiga Cimilada Adduunka ee IPCC ama Intergovernmental Panel on Climate Change ayaa ka digaya in saamaynta cimiladu ay ka xun tahay sidii markii hore la moodayay. Valérie MassonDelmotte waa saynisyahan dhanka cimilada ah oo wax badan ka qortay daraasaaadka dhanka degaanka.

”Isbeddelka cimiladu waa mid aan horraanba dib loo celin Karin, warbixintu waxay na siinaysaa caddayn in uu dhalaalayo barafka laba qaybood oo ka tirsan Antarctica, waana wax aan haatan waxba laga qaban Karin sida ka muuqata caddaynta aannu iminka hayno,” ayay tiri.

Guddiga IPCC ayaa soo bandhigay daraasad ku saabsan sida cimilada sii kululaanaysaa u saamaynayso lakab barafeedka cryosphere, oo ah qaybta fadhisa ama barafku ku dahaaran yahay ee dhulka, sida labada cirif qaboobe, sidoo kale badaha iyo xeebaha iyo waxa uu isbeddelkani uga dhigan yahay dadka, dhirta iyo duurjoogta.

………………………………………………………………………………………………………………

Najmo Cabdisalaan iyo Deeqa Axmed oo ah labo gabdhood oo dhallinyaro ah oo ku dhaqan xaafadda Andersberg ee magaaladda Gävle ayaa isu xilqaamay in ay ka cawiyaan caruurta dhigata dugsiyada hoose dhexe ee xaafaddaasi howlaha waxbarashada oo ay ugu horreeyaan maaddooyinka Swedishka iyo xisaabta.

Deeqa Axmed oo la hadashay laanta Af Soomaaliga ee Radio Sweden ayaa inoo sheegtay waxa ku dhaliyay kaalmada ay u fidiyeen caruurta.

Halkan ka dhegeyso isagoo dhan

Hadalsame Media