DAAWO: Madaxwaynayaasha Somalia & Kenya oo heshiis rasmi ah gaarey (Arag qodobbada & farxadda ka muuqata Kenyatta)

0

(New York) 25 Sebt 2019 – War kasoo baxay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Axmed ayaa sheegaya inay heshiis rasmi ah gaareen labada Madaxwayne ee Somalia iyo Kenya.

Nuxurka wada hadallada Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sida uu Agaasimuhu sheegay uu gogosheeda dhigay Madaxweynaha Masar oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa waxaa kasoo baxay qodobaddan.

1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo halkii uu taagnaa horraantii Febraayo, 2019.

2. In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeyo kalsooni abuurista labada dal.

3. In kiiska dacwada badda loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

4. In la sii joogteeyo wadahadallada.

Muranka dhanka badda ee ay abuurtay Kenya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2014-ka ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya, iyaddoona dooneesay in soohdinta badda ee labada dal la waafajiyo tan barriga.

Kulankan New York ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee yeeshaan labada hogaamiye tan iyo bishii Maarso, markaas oo ay ku kulmeen magaalada Nairobi, iyagoo ku heshiiyay inay soo celiyaan xiriirka labada dal, sida uu sheegay Ra’isilwasaaraha Itoobiya Aby Axmed oo labada dhinac dhexdhexadinayay, balse waxba kama soo naasa caddaanin.

Hadalsame Media