(Hadalsame) 24 Sebt 2019 – Waxaa jira 10 walxaato oo aysan wanaagsanayn inaad Google gareeyso ama ku baarto matoorka dunida ugu wayn ee internet-ka wax lagaga baaro.
10 – ASTAAMAHA CUDURKAAGA
Webab badan ayaa arrimaha caafimaadka aad wax uga qora, dabcanna badankoodu ma aha ama ma maareeyaan xirfadleyaal caafimaad, sidaa darteed inaad astaamaha cudurkaaga internet-ka ka baartaa inuu kaaga daro oo cabsi iyo rucbi hor leh ku geliyo mooyee waxba kama macaashi doontid.
Haddaba wixii talo caafimaad ah, fadlan abidkaa ha waydiinin Dr Google e u tag dhakhtar caadi ah.
9 – WIXII DEMBI NOQON KARA AMA LA XIRIIRA
Arrintani waa halis wayn, tusaale haddii aad baarto sida bam ama daroogo loo sameeyo iwm ayaad ogaal jecli (curiosity) u raadin kartaa, balse la soco in hay’aadka amaanka iyo kuwa daroogada la dagaallamaa ay had iyo goor raadiyaan dad baara waxyaabaha noocan ah.
Waxay taasi keenaysaa in haddii aad lacalla baartay waxyaabahaas uu cinwaankaaga gaarka ah ee internet-ka (IP Adress) uu si toos ah uga soo boxo meelaha kaydiya wixii la baaray. Ogaal jeclidaadu yaysan jar kaa ridin!
8 – ASTAAMAHA CUDURKA KANSARKA
Arrintani waa mid la oran karo inaad jaahil ka ahaato ayaa kaaga nacfi badan ogaanshihiisa si aad nabad ugu leddo, wuxuu cudurkani leeyahay astaamo badan oo uu sidoo kale la wadaago cudurro kale oo aan halis ahayn sida wareer, daciif, lallabbo ama yalaalugo iwm.
Sidaa daraadeed, waxaa dhacda inaad cudur kale qabto, balse aad astaamahaaga u qaadato kii kansarka kaddibna aad hoyan waydo. Iska jir!
7 – DHILQAHA IYO CAYAYAANKA GOGOSHA GALA
Dabcan waad maqashay bahalkan iyo dhibka uu jirka u gaysto, haddaba internet-ka haka baarin meelaha uu ka buuxo iyo dhibaatooyinkiisa, haddii aanad doonayn inaad matagto ama niyad xumaato.
La soco qayb kale…
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media