DF Somalia & Axmed Madoobe oo loo kala dab qaadayo & caleemo saarkii oo dib u dhacay!

0

(Kismaayo) 24 Sebt 2019 – Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ay dib u dhacday munaasabad caleemo saar ahayd oo uu qabsan lahaa Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo sheegay inuu ku guulaystey doorashada madaxnimo ee Jubbaland oo ay sidoo kale kasoo bexeen rag kale oo xilkaa sheeganaya.

Munaasabaddan ayaa lagu wadey inay dhacdo 26-ka bishan Sebtembar, yeelkeede, waxaa haatan nasoo gaaraya war sheegaya in xafladdaa dib loo dhigay ilaa waqti aan la cayimin, sidaas oo ay ku taliyeen Guddiga Qabanqaabada munaasabadda Caleema saarka.

Dhanka kale, warar kale oo aynaan weli xaqiijin karin ayaa sheegaya inuu jiro u kala dab qaadid ka dhex socda DF Somalia iyo Axmed Madoobe, balse warka aannu hayno intaa ma dhaafsiisana weli.

DF Somalia ayaa xayiraadda kusii giijisay Axmed Madoobe iyadoo 3 maalmood oo ku eg isla maalinta loo cayimay caleemasaarka kusoo rogtey dayuuradihii u safri lahaa magaalada Kismaayo, taasoo ay kasii horreeysey mid lagu codsanayay rukhsad 24 saac kahor duullimaadka, oo ahayd sababta loo celiyay Madaxwaynihii hore ee Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Sheekh Shariif oo shir jaraa’id qabtay iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah ayaa dhaliilay tillaabooyinka DF Somalia.

Hadalsame Media