Ilhaan Cumar oo maanta riixaysa SHARCI anfacaya Muslimiinta guud ahaan!

0

(Washington, DC) 24 Sebt 2019 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada ee Koongarayska Maraykanka ayaa sheegtay inay u qalab qaadanayso sidii ay meesha uga saari lahayd siyaasadda Muslim nacaybka ah ee Donald Trump.

Waxay boggeeda Twitter-ka kusoo qortay: ”Waxaan xilligii aan tartamayay ballan qaaday inaan dib u celin doono sharciga midab takoorka ku dhisan ee lagu mamnuucayo inay Muslimiintu Maraykanka soo galaan.”

”Koongarayskuna middaa unbuu samayn doonaa isagoo ansixin doona xeerka . Berritoole (maanta) waxaannu samaynaynaa dhegeysiga 1-aad arrintan si aannu dadka Maraykanka u tusno sababta ay u tahay in aannu qashin qaadka taariikhda ku ridno siyaasaddan nacaybka miiran ah.” ayay raacisay.

Ilhaan Cumar ayaa ka mid ah ilaa 4 gabdhood oo lagu magacaabo kooxda ama ”The Squad”, kuwaasoo ka siman inay ka mid yihiin dadka laga tirada badan yahay ee Maraykanka, waxayna aad isu diiddan yihiin Donald Trump.

Hadalsame Media