”Serena Williams waa uun DAANYEER surwaal loo geliyay!” – Weriye Romanian ah (Tillaabo laga qaaday)

0

(Bucharest) 20 Sebt 2019 – Daadihiye barnaamij oo ka shaqeeya TV ku yaalla Romania ayaa dood dhaliyay kaddib markii uu si cad cad u sheegay in xidigadda teeniska dheer ee Serena Williams ‘ay u egtahay mid ka mid ah daanyeerrada ku xaraysan beerta xayawaanka’ isagoo weliba toos ama LIVE ah.

Weriye Radu Banciu, 49 jir, ayaa warkan sheegay xilli uu qabanayay barnaamijyada lagu caweeyo xilliyada dambe (late shows) ee ka baxa hilinka B1 TV.

Mr Banciu ayaa yiri: ‘Serena Williams waxay u egtahay daanyeerradaa beeraha ku xaraysan ee d***da guduudan. Haddii daanyeer surwaal loo geliyo wuxuu si dhab ah ugu ekaan laha Serena Williams oo garoon joogta.’

Ninkan oo uu warkiisa Ingiriisi u rogey Business Insider ayaa iminka lagu ganaaxey £1,484 oo gini iyadoo lagu eedeeyay midab kala sooc iyo ku tumashada ama duriska sharafta insaanka, sida uu sheegay Guddiga Heer Qaran ee la dagaallanka cunsuriyadda ee  Bucharest, Romania.

Hadalsame Media