DAAWO: RW Khayrre oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada Ciidamada Xoogga Dalka

0

(Muqdisho) 20 Sebt 2019 – RW Somalia Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay kormeer ku tegey Isbitaalka Xoogga Dalka oo ay ku jiraan dhaawacyada Ciidamada, kuwaasoo ku soo dhaawacmay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay qeybo ka mid ah dalka.

RW Khayrre ayaa bukaannada mid mid ula faqay ayaa kaddib qiimeeyay xaalada daryeelka caafimaad ee ay helaan iyo qarada midka ay u baahan yihiin haatan, isagoo sidoo kale warbixinno ka dhageystay maamulka Guud ee Isbitaalka oo uga warramay sida uu isbitaalku u shaqeeyo.

Raysal Wasaaraha ayaa bukaanadda ciidanka caafimaad u rajeeyay isagoo dhanka kale bogaadiyay howsha ay halkaa ka hayaan dhakhaatiirta iyo howl-wadeennada caafimad ee kale ee halkaa ka shaqeeya.

Halkan hoose ka daawo kormeerka RW Khayrre…

Hadalsame Media