FASHIL: Maraykanka oo qirtay inuu shaqayn waayay hannaanka daafaca cirka ee Patriot ee Sucuudiga (Maraykanka oo faro hor leh u taagey Sucuudiga)

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2019 – Hannaanka daafaca cirka ee Patriot ee uu Maraykanku ka iibiyay Sucuudiga ayaa ku fashilmay inuu dalkaasi ka ilaaliyo weerarro heer hoose ah oo dhanka cirka ah, maadaama aysan mar mar shaqaynayn, sida uu qiray Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Mike Pompeo.

Washington ayaa wejiga ka casaatay kaddib markii ay daroonno hubaysani ay ku guulaysteen inay soo galaan hawada Sucuudiga iyagoo dhulka dhigay wershadihii sifaynayay saliidda ee Abqaiq oo ay leedahay shirkadda dowladdu maamusho ee ARAMCO.

en was left red in the face after missiles and armed drones successfully penetrated Saudi airspace – which is guarded by an arsenal of fancy US-made Patriot systems – hitting a major oil facility in the country.

Perhaps fearing that Riyadh might give the US defense system a 1-star review on Yelp, Pompeo used his master statesmanship to reassure loyal customers around the world that they didn’t spend billions of dollars on something that doesn’t actually work.

Sidee Sucuudiga oo sanadkii “$80 milyan oo doollar” ku bixiya daafaca cirkuo uu u awoodi kari waayay “arkidda dayuuradahan?” ayuu waydiiyay weriye la safrayay Wasiirka maalintii shalaytoole.

“Waxaannu aragnay in hannaanada daafaca cirka caalamka oo dhami ay natiijooyin isku dhafani kasoo baxaan. Qaar ka mid ah kuwa dunida ugu wanaagsan ayaan mararka qaar shaqaynin,” ayuu Pompeo si caqli ku dheehan yahay ugu difaacay hubkan Maraykan sameega ah ee uu ka helo balaayiinta doollar.

Wuxuu intaa ku daray marmarsiinyo kale oo sida muuqata Sucuudiga looga sii iibinayo hub kale oo Maraykanku sameeyo isagoo sheegay in aanu Sucuudigu haysanin “dhamaanba kaabayaasha Maraykanka ee daafaca cirka” si uu u baajiyo weerar noocan ah, isagoo hoosta ka xarriiqay inay Washington kala shaqayn doonto tayaynta awoodda Sucuudiga ee difaaca cirka.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa weerarkan sheegatay iyadoo weliba ku hanjabtey kuwo kale, balse Washington iyo Riyaad, ayaa fara ku fiiqay dowladda Iiraan oo ay ku eedeeyeen inay iyadu sheekadan soo dhistay – taasoo ah eedayn ay beenisey Tehraan oo ku hanjabtey dagaal lagu hoobto oo furan haddii la taabto.

Maraykanka ayaa lagu eedeeyaa in waloow uu Sucuudigu yahay dalka dunida oo idil 1-aad uga jira dhanka iibsiga hubka Maraykanka, aanu misna dalkaa siinnin hub ku filan difaaca dalkaasi oo istaraatiji ah, sida dalalka kale ee Carbeed ama Muslimk ahba.

Hadalsame Media