TEBINTA WARARKA NAXDINTA LEH: Anshaxa & qiyamka wararka (Ka faa’iidayso)

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2019 – Marka la tabinayo wararka qalbi xanuunka abuuri kara sida qaraxada,shilalka,dabka iyo dhul gariirka waxaa haboon in wariyuhu ka fakiro xulashada erayada iyo hanaanka uu ku dhigayo sheekada.

Tusaale ahaan waa in aanu ku talaxtagin dadka waxyeeladu gaartay sida ay u eg yihiin sida in uu yiraahdo gacanta ayaa meel taalay madaxa ayaa lala dhanbalmay iyo wixii la mid ah.

In aad sharaxaad dheeri ah ka bixiso dadka dhintay ama dhaawacmay iyo sida jirkoodu noqday sheekada wax ku kordhin meyso balse waxa ay anfariir ku rideysaa dadka ku dhageysanaya .

Sanadkii 2008-dii ayaa waxaa qarax uu ka dhacay meel u dhow garoonka muqdisho kadib markii miino loo galiyay ciidanka Amisom.

Qarax kadib ayaan tagay meesha waxaana ka diyaariyay warbixin ka hadleysay wixii aan arkay. Warbixinta waxaa ku daray in aan arkay dhiig, lafo iyo hilib dad oo meesha yaalley.

Saciid Cali Muuse oo maalinkaas ahaa soo saaraha barnaamijka duhurnimo ee BBC ayaa ila soo hadlay wuxuuna igu yiri waan ka jaray warkaaga qeybtii aad hilibka kaga hadleysay waxaana kugula talin lahaa in aad iska dhaafo hada kadib sheegida waxyaabaha dadka ka nixin Kara waxaa kugu filan oo kaliya in aad sharaxdo sida ay wax u dhaceen.

Warkaas meel ayaan ku qortay wuxuuna ii ahaa cashir muhiim.

Tusaale kale dalkaan Britain waxaa iminka lagu dhagan yahay jariirada The guardian oo loo heysto sida ay ugu dheeraatay ka waramida wiil uu dhalay Ra’isulwasaarihii hore David Cameroon oo dhintay kaas oo qabay baahiyaha gaarka ah.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media