Kenya oo bilowday inay qabqabato Soomaalida (Tirada haatan u xiran oo aan helnay)

0

(Nairobi) 18 Sebt 2019 – Booliiska  Kenya ayaa walaac ka muujiyay soo galootiga sharci darrada ah oo kusoo kordhaya dalkaasi Kenya, iyadoo ay Waaxda Tirakoobka Dembiyadu ay sheegayso inay dadkani halis amaan ku hayaan Kenya.

Waxaa tirakoobka lagu sheegay in guud ahaan Kenya laga soo qabtay ilaa 2,173 qof oo aan sharci lahayn, waxaana dadkaa ugu badan dalalka Tanzanian iyo Ethiopian oo kaligood ku dhow kala bar waana 40 boqolkiiba.

Waxay kala yihiin 455 Tanzanian ah oo ka dhigan 21%, 452 Ethiopian ah oo noqonaya 21% iyo 281 Somali ah oo taagan 13 boqolkiiba.

Nigeria ayaa ku leh 146 soo galooti waana 7%, waxaana soo raaca South Sudan oo ah 137 oo ka dhigan 6%. Dalka Uganda waa 106 qofood waana 5%.

Waxaa se sidoo kale dadka la qabtay ka mid ah Sudanese, Burundian, Chinese, Congolese, Rwandese, British, Hindi, German, Italian, South African, Canadian, Masaari, Guinean iyo dalal kale oo 100 ka yar isku ah.

Hadalsame Media