Maxkamadda ICJ oo SHURUUDO cusub kusoo dartay ka qaygalka dacwadda Somalia-Kenya

0

(Hague) 18 Sebt 2019 – Maxkamadda ICJ ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa ku dhawaaqday inay wax iska bedeleen dadka kasoo qayb gelaya dhegeysiga dacwadda badeed ee Somalia-Kenya oo lagu wado horraanta Nofeembar.

Maxkadda ICJ ayaa sheegtay in ay jiri doonaan shuruudo cusub oo saamayn doona saxaafadda, diblomaasiyiinta iyo dadwaynaha doonaya inay dacwaddan soo xaadiraan.

Weriyeyaashii horay isugu diiwaan geliyay dacwaddii hore ee dhici lahayd todobaadka 1-aad ee Sebtembar, balse dib loo dhigay ayaa la waydiistey inay dib markale isu diiwaan geliyaan.

“Kuraasida xaddidan dartood, waxaa muhiimadda la siin doonaa madaxda metelaysa dalalka ay arrintani khuseeyo iyo diblomaasiyiintooda,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Maxkamadda ICJ.

Diblomaasiyiinta iyo weriyeyaasha ayaa haysta ilaa 24-ka Oktoobar si ay isugu diiwaan geliyaan inay wax galaangal ah u yeeshaan dhegeysiga maxkamaddan.

Hadalsame Media