Dagaalkii MACOOW & MUUDDEEY & Taliyihii laga soo bedeley BOORAMA!! (Wallee wax baa kala qabsaday!)

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2019 – Macow Iyo Saaxiibkiis Suufi oo wadada Via Liberiya (xaafadii Waaberi) ee Magaalada Muqdisho lugaynaya ayaa waxaa ka hor yimid Muudeey oo ay muddo isku xanaaqsanaayeen.

Dariiqa dhexdiisa ayaa Macow iyo Muudeey feer isku bilaabeen, Saaxiibkood Suufi ayaa in badan isku dayey inuu kala dhexgalo oo dagaalkooda joojiyo, markuu ku daalay oo ay maqliwaayeen ayuu banaanka ka istaagay.

Muddo markay is rifayeen ayaa dad dariiqa marayey Askar meesha ka dhawayd ugu yeereen, askartii labadii nin ee dagaalantay iyo saaxiibkoodii kala celinayeyba saldhiga Boliiska Waaberi ayaa la isugu geeyey.

Taliyihii saldhiga Boliiska oo habeenkaas saldhiga ka mas’uul ahaa ayaa labadii nin la hor geeyey, Taliyaha saldhiga muddo bil ka hor ah ayaa Laga soo badalay magaalada Boorame ee gobolka Awdal, wuxuu ahaa 60 jir dhaqanka Iyo luuqada reer koonfureedka dhib badan ku qaba oo aan weligiis qof reer waqooyi ah maahane aan cid kale arag.

Taliyihii wuxuu yiri yaa is diriray, waxaa la yiri Macow Iyo Muudeey, taliyihii wuxuu kaloo su’aalay yaa dagaalkooda ogaa oo noo sheegi kara sida dagaalku u dhacay oo markhaati ah, waxaa la yiri Saaxiibkood Suufi ayaa ogaa dagaalkooda oo kuu sheegi kara cida gardaran… Waa kanaa wada hadalkii Taliyaha saldhiga iyo Suufi dhex maray.

Taliyihii: Suufi bal nooga waran sida xaalku ku billowday iyo cida gardaran.

Suufi: Horta taliyow shalay maantaan labadaan oo saaxiibadey ah Waa isku fooxsanaayeen.

Taliyihii: war anigu shalay iyo maanta kuma weydiine caawa sidee wax u dheceen.

Suufi: makuu soo wadiyoo hee ma isugtidoo.

Taliyihii: haye.

Caawa aniga iyo saaxiibkay Macow oo shiniimo Soomaaliya ka soo baxnay oo jidka Via Liberiya iska baashaaleyno Muudey ma naga soo hor baxaayoo, haba naga soo hor baxo ma xumee, Macow aa si xun u huruufey, yaa huruufaayo Macow yaa la huruufooyaa Muudeey, haba huruufo ma xumee Muudeey huruufkii ha ka dhirfo, haba dhirfo ma xumee sidii mukulaal oo biyo Lagu kuday ha u soo shiiro, haba soo shiiro ma xumee sidii Dooradii ha la isku soo duufo aa ka dhacday.

Taliyihii: waar yaarahee yaa ummaddii Nebi Maxamed ah waar Waa maxay mukulaasha Iyo Doorada uu nagu wareeriyey.

Mid Askari ah ayaa gadaal ka qayliyey: taliye Mukulaashu dee waa Bisad, Dooraduna dee waa digaagad.

Taliyihii: waar yaarahee anigu ma Bisad Iyo Digaagad baan u dirsaday war noo sheeg yaa nimanka gardaran maxuu ahaa wuxu.

Suufi: taliye masugto maher ma leh aa la dhahay, ha igu noqon yaa….ma isugtidoo dagaalkiiba haddaas bilaabahaaye.

Taliyihii: war anagaa balaayo aragnay.

Suufi: Saaxiibaday Waa isku soo duufeen, Macow feer aas soo gamay, yaa soo gamooyo Macow, yaa Lagu soo gamaa Muudeey.

Muudeey feerkii gas aas u siiyey, yaa u siihooyo Muudeey yaa gas loo sii hooyaa Macow.

Macow gadaal aas u baxay haraati xun uu soo gamey, yaa soo gamooyo Macow yaa Lagu soo gamaa Muudeey.

Muudeey haddana gas aas u siiyey yaa sii hooyo Muudeey yaa loo sii hooyaa Macow.

Muudeey teesto aas soo tuuray markiisa, yaa soo tuurooya Muudeey yaa Lagu soo tuurooyaa Macow,.

Macow isna markiisa gas ma sii haayoo hee yaa loo sii hooyaa Muudeey.

Waa la isku mirqay, Macow aa jilib soo tuuray yaa soo tuurooya Mocow yaa Lagu soo tuurooyaa Muudeey, Muudeey fas aas u siiye, yaa loo sii haa Macow aa loo sii haa yaa fas siihooya Muudeey.

Muudeey feer kalaas soo gamay yaa soo gamaayo………

Taliyihii oo caro darteed dhidid ka da’ayo ayaa Labadii Askari u yeeray wuxuu ku yiri.

Taliyihii: war yaarahee ma i maqlaysaan, labadaan nin ee soo dirirtayna sii daayo oo guryihiina aada ku dhaha, midkaan Suufi Lagu sheegayana iga xira oo qaybta danbe ee xabsiga ku tuura, afar xaboo Aspiriin ama Femidool ahna ii keena iyo galaas biyo ah sibaa neerfayaashu ii kacsan yihiine.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Cismaan Cabdixaliim

Hadalsame Media