”Waa soo dagaallamay, yacni dad baan soo LAAYAY!”

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2019 – Bilawgii 90-aadkii ayaa kooxihii Soomaalida la isugu geeyey Addis Ababa. Waxaa xanaaqay kuwii xoogga weynaa oo codsaday in kuwa aan hubaysnayn oo aan awood ay xataa tuulo yar ku qabsadaan lahayn laga saaro shirka. Meel madfac ka codaynayo inay af maran la yimaadeen ayaa lagu eedeeyey.

Ilaahay ha u naxariistee Mawliid Macaani oo bannaanka loo saaray ayaa warbaahinta la hadlay.

Wuxuu yiri: ”inaanan dhiig Soomaaliyeed gelin ayaa la igu nacay. Hadda waa noqonaa, ciidanaan suubsanaa, toban iyo koow qof aan soo dilaa, markaas ayaa shirka laa ii oggolaanaa.”

FG: Hadda weli siyaasadda noocaas ihi Somalia waa kusii dambaysaa waloow ay sii baaba’ayso oo nin baa beri dhowayd lahaa ”mayd baan sitaa iyo meeshan waa usoo dagaallamay!”

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media