Reer KG oo 3 dhaliil ah & 3 codsi ah hordhigay RW Khayrre (Arag qodobbada)

0

(Hadalsame) 10 Sebt 2019 – Soo dhawayn ka dib Golaha Odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, waxay hor dhigeen Raisal Wasaare Hassan Khayre qodobo ay u arkeen inay ka turjineeyso ku dhaqanka nidaamka dowlanimo tasoo qayb wayn ka noqon karta hurumarka guud ee Koonfur Galbeed iyo guud ahaan xaliloonidda dalka Soomaaliya:

DHALIILAHA AY U SOO JEEDIYAAN DOWLADDA:

1 – In meel looga dhacay awood qabsiga dowladeed ee lagu soo heshiiyay.

2 – In jidadka gobolka oo dhan ay u xiran yihiin al-shabaab, tasoo aysan dowlada ka jiifatay inay garab is- taagaan ciidanka difaaca ku jira ee Koonfur Galbeed maalinkastaa.

3 – In shacabka ku nool Muqdisho ay ka yihiin qowmiyada labaad dadka ka soo jeedo Koonfur Galbeed , tasoo aysan waxba ku lahayn maamulka gobolka oo taariikhiyan ahaa dadka wax ka dega gobolka banaadir.

Waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka:

1 – Inay gacan ka geeysato dhismaha dekadda Barawe si goboladaasi ay u helaan kobcinta dhaqaalaha sida Gobolada dalka oo kale.

2 – In dalka iyo dadkiisaba lagu dhaqo cadaalad oo gobolada dalka loo simo mashaariicda aduunka uu ugu tala galay dib u dhiska dalka Soomaaliya.

3 – In dowladda Federaalka ay Koonfur Galbeed kala shaqeeyso dib u heshiisiinta ay doonayaan in la dhawaan uu ka dhaco Baidabo si loo xoojiyo maamulka iyo nabada goboladaas.

Waxay sheegeen odayaashu inay mar kasta soo dhaweeynayaan xoojinta nidaamka dowladnimo, balse ay sugayaan fulinta qodobada ay hor dhigeen Ra’iisal Wasaare Xasan Khayrre.

Waxaa Diyaariyay: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media