Bankiga Adduunka oo sheegay inuu kobcayo dhaqaalaha Somalia (DF oo uu dhaliil & talo siiyay)

0

(Muqdisho) 10 Sebt 2019 – Qiyaas kasoo baxday Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha Somaliya uu sameeyay sare u kac gaaraya 0.1%, isagoo gaarey 2.9% sanadkan 2019, halka uu sanadkii hore ka ahaa 2.8%.

Warbixintan kasoo baxday Baanka Adduunka ayaa intaa raacinaysa in uu dhaqaaluhu sii kobci karo, haddii 5-ta sanadood ee soo aaddan lasii joogteeyo dib u habaynta dhaqaale ee iminka soconaysa, waloow ay weli gaabis tahay.

“Canshuur ururinta DF Somalia ayaa sare u kacday 29% sanadkii hore, iyadoo dhaqaaluhu uu isna ka soo kabtay abaar ku dhufatay dalka labo sano kahor, dowladduna waxa ay bedeshay siyaasaddeedii canshuuraha,” ayaa yiri warka Bankiga Adduunka.

Bankiga Adduunka ayaa farta ku fiiqay meel loo baahan yahay in wax laga qabto oo ah dhanka adeegyada bulshada oo aad iyo aad u yar, gaar ahaan meelaha canshuuraha laga qaado sida Muqdisho.

“Inkasta uu dhaqaaluhu kordhay, misna weli lama helin miisaaniyad ku filan daboolidda baahida waxbarashada iyo caafimaadka ee dalka ka taagan. ” ayuu leeyahay Bankiga Adduunku.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qoraysa in Bankiga Adduunku uu DF Somalia ku boorriyay inay miisaaniyad u qoondayso adeegyada bulshada, gaar ahaan dhanka waxbarashada, iyadoo miisaaniyadaha iminka la dejiyaa ay kaliya ku eg yihiin mushaaraadka DF Somalia iwm.

Hadalsame Media