6 Talo ANFACAYSA xiddigaha xulka qaranka Somalia (Fadlan halla gaarsiiyo)

0

(Harare) 10 Sebt 2019 – Waxaad marka hore ku mahadsan tihiin guushii taariikhiga ahayd ee aad lugtii hore soo hoyseen, ha yeeshee, taasi ma ahayn halkii loo socdey, balse waxay sahan u ahayd safar dheer oo ku taamaya in la helo xul Soomaaliyeed oo marka dambe ka mid noqda cududaha Afrika iyo kuwa caalamka, haddii hab-hoowleedyada saxda ah la dabaqana ma jirto sabab aynaan sidaa ugu riyoon karin.

Halkan waxaan ku hayaa talooyin kooban oo ku saabsan qaabka niyad ahaan (psychological) loo wajoho kulankan oo kale, si ay ciyaartooydu u xamilaan cadaadiska nafsaaniga ah ee saaran:

1 – Haka fikirin natiijadii kulankii hore, u arag ciyaartan 90 daqiiqo oo aad cod ku leedahay, wax kastaahina iyada ku xiran yihiin

2 – Haka fikirin inay Zimbabwe wax gaar ah ku dheer tahay, gurigeeda joogto iwm, ka fikir inaad garoonka ku geleeysaan 11 vs 11

3 – Ha isku deyin inaad raadiso guul shakhsi ah, sida inaad goolka adigu isla jeclaato, aad kooxda ka muuqato iwm, ka fikir in guusha shakhsiga ihi ay ku dhex jirto midda wadareed oo haddii la waayo ay midda shakhsigu micne beelayso

4 – Haka fikirin amaantii taageerayaasha Soomaalida ee lugtii hore, wax badanna haku mashquulin waxa dhici kara ciyaartan kaddib, kaliya ka fikir ciyaartan oo sii foogingaan 1000% ah

5 – Ogoow in cadaadiska ugu badani saaran yahay xulka Zimbabwe, sababta aad lugtii hore uga badiseenna ay ka mid tahay iyagoo iska dhaadhicinayay inay badiyeen ciyaarta oo aanba la baasan, halkaa ka garo cilladda ay yeelan karto ciyaarta oo lagu wajoho caqliyad KHALDAN, iska jir dhabbihii ay ku dhumeen.

6 – La imoow feejignaan maskaxeed si uu u saxmo bandhigga jireen, haddii aanay niyaddu diyaar u ahayn howsha galabta ku hor taalla, xoog, farsamo, xirfad, khibrad iyo wax kastoo kale oo aad leedahay waa bar kuma taal, waxaas oo dhan meesha laga xukumaa waa niyadda oo wax u jiheeysa dhanka saxda ah si saaxiga loo keeno.

Kaddib 6-daa talo waxaan rajaynayaa inaad sidoo kale ka fikirteen qodob kale oo jireed oo xukumaya ama wanaajinaya inta aan soo qodobeeyay oo ah cunto wanaagsan, hurdo kaafi ah, tababarkii loo baahnaa iyo waxyaabaha qaarkood sida dhafarka oo aad iska ilaaliseen.

Waxaan idiin rajaynayaa GUUL. Forza Somalia.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media