Soomaalida Koonfur Afrika oo diyaarsatay basaskii ay u raaci lahaayeen ciyaarta Zimbabwe-Somalia + Sawirro

0

(Pretoria) 09 Sebt 2019 – Baabuurtaan aad arkeysaan waxaa raaci doona taageerayaasha qaranka ee ka bixi doona Koonfur Afrika.

Saacad kadib ayuu safar u bilaaban doonaa, hammigoodana waa iney taageero ficil ah u muujiyaan xulka berito ciyaaraya.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa ku mahadsan inuu qorshahaan hirgalo.

Waxaa sidoo kale sawirada ka arki kartaan boorarka iyo halku-dhigyada ay u diyaarsadeen ciyaarta, sida uu nasoo gaarsiiyay weriyaha tartanka uga soo warramaya Hadalsame Media ee Abdirashiid Maxamuud Nuur.

Hadalsame Media