DHEGEYSO: Arrin xalay ka dhacday ciyaartii Sweden-Norway oo aad loo dhaliilay!!

0

(Stockholm) 09 Sebt 2019 – Xulka Sweden ayaa xalay barbarro 1-1 la noqday dhiggiisa Norway oo ay ciyaareen Derby-gii Nordic-ga, ciyaar ay usoo daawasho tageen jamaahiir dhaamayd 38,000 oo ka dhacday garoonka qaranka ee National Arena oo ku yaalla degmada Solna.

Emil Forsberg oo kusoo laabtay 11-ka safka koowaad ayaa ayaa daqiiqaddii 60-aad dhibicda u badbaadiyay xulka Sweden si uu usoo guddo gool uu Norway u dhaliyay Markus Henriksen ilbiriqsiyo yar uun kahor dhamaadkii gelinkii hore ee ciyaarta.

Labadan xul ayaa lugtii horena 3-3 ku soo kala baxay ciyaartii ka dhacday Norway. Yeelkeede, Spain oo wareeggan F hoggaaminaya ayaa 4-0 diray Froe Islands, taasoo ka dhigan inuu guruub F ku hoggaaminayo 18 dhibcood, Sweden oo 2-aad ku jirta ayaa 7 dhibcood ka hooseeysa, halka ay dhibic qura ka sarreeyso Romania oo 3-aad taagan.

Afar kulan oo qura ayaa ka harsan isreebreebka Euro 2020, iyadoo ay toos usoo gudbayaan xulalka ku dhamaysta 1-aad iyo 2-aad, halka 3-aad uu ciyaari doono laba kulan oo kala bax ah (play off).

Dhanka kale, bedel dhacay daqiiqaddiii 77-aad ayaa xalay dood dhaliyay. Waxaa mar qura la wada saaray Alexander Isak iyo Robin Quaison kuwaasoo lagu bedeley Sebastian Andersson iyo Marcus Berg. Yeelkeede, Jamaahiirtii ayaa mar qura bilowday inay ku fooriyaan, waana arrin uu aad uga caroodey khabiirka dhanka ciyaaraha ee RadioSporten, Richard Henriksson.

”Waa falcelin isku dhafan. Waana Farriin muujinaysa sida aan loola dhacsanayn isku bedelka Isak iyo Marcus Berg, ha yeeshee, waa taxaddar xumo inay taageerayaasha maxalligu ay sidaa ula dhaqmaan ciyaartooydooda,” anigu kolleey ma fahmin, ayuu yiri.

 

Hadalsame Media