Muran ka dhashay TIRAKOOB ay QM kasoo saartay heerka akhris-qorista Somalia

0

(Muqdisho) 09 Sebt 2019 – Qarammada Midoobay laanteeda ka howlgasha Somalia ee UNSOM ayaa waxay sheegeysaa in Soomaalida inta wax qori karta waxna akhrin karta ay gaarayaan 37.8%, taasoo ay ku tilmaantay horukac la sameeyay.

Ha yeeshee, Soomaali badan ayaa aaminsan in ay arrintani tahay tirakoob khaldan oo ay tirada akhris-qoristu ay aad uga badan tahay tirada lasoo bandhigay.

Maxamad Cade Eng Wadani ayaa yiri ”In halsano 2180 arday ey hal jaamacad ka qalin jebiyaan misana lana dhaho 37% ayaa wax qora waxna aqriya macquul maahan ee warkaas haleeska hubiyo.”

Ali Mumin ayaa ku dooday ”Aad baan uga xumahay inaan rumaysano warkaan beenta ah soomaaliya cunuga markuu shan jiryahay ayaa dugsi lageeyaa 7jir iyo 8jir markuuyahayna waa mid wax qorikara oo wax aqrinkara baadiya ha joogo ama magaalo hajoogo marka waxaa la orankaraa soomaaliya 98% waa dad wax qorikara waxna aqrinkara ee research-kaan UN-ku haku laabteen.”

Dalalka Somalia deriska la ah haddii aan eegnana tirada wax qorta waxna akhrisa ?? Kenya waa (78.7%), ?? Jabuuti (67.9%) iyo ?? Ethiopia (39%).

Hadalsame Media