Waa maxay ujeedka shirka ka furmay magaalada Baydhabo?

0

(Baydhabo) 08 Sebt 2019 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan looga hadlay wax ka qabashada baahiyaha ka jira deegaannada Koonfur Galbeed magaalada Baydhabo kula yeeshay safiirradda dalalka xiriirka la leh Somalia iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qorshaha socdaalkiisa Koofur Galbeed uu salka ku hayay horumarinta adeegyada bulshada, horumarinta iyo amniga, waxaana lagu wadaa inuu dhagax dhigo dhowr mashruuc oo horumarineed, iyadoo ay dhici karto inuu tago meelo ay ka mid tahay magaalo maarsada Baraawe.

Wakiillada iyo safiirrada oo DF Somalia ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto dib-u-kabashada dalka, waxayna ballan qaadeen in Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan qorshayaasheeda horumarineed.

Shirkaan oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya,waxaa sidoo kale looga hadlay diyaar garowga shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka oo dhawaan lagu qabanayo Muqdisho.

Hadalsame Media