NAXARIISTA WAALIDKA: ”Wuxuu qado u kexeeyay aabbihii oo aad u gaboobey, kaddib maxaa dhacay?!”

0
Cheerful old father and his son are talking in restaurant. They are looking at each other and smiling. The mature man is sitting in wheelchair

(Hadalsame) 08 Sebt 2019 – Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Wiil Aabihiis magaalada qado ugu waday ama u kaxeeyey. Odeygu da’ahaan ma yara, caafimadkiisuna ma wanaagsana, gaar ahaan dhanka maskaxda. Maqaayad ka mida kuwa ugu qaalisan magaalada, ayey yimaadeen, miis fiicanna way ka fariisteen.

Jawiga maqaayaddu aad buu u daggan yahay, dadkuna waxey isugu jiraan kuwo haasawaya, kuwa shiraya iyo qaar keli-keli u howshoon.

Odeygu cuntada si saxa afka ulama gaaro, oo wey ka daadaneysaa, laleelmo darteed, Sidoo kale markuu damco inuu odeygu wiilkiisa wax u sheego kor ayuu u qeylinaya, qofkasta oo soo ag marana wuxuu leeyahay hebel miyaa.

Dadkii maqaayadda fadhiyey waxey aad ugu mashquuleen ninkii odeyga ahaa, waxeyna billaabeen nux-nux iyo in ay xantaan.

Wiilkii dan kama galin, hadal haynta dadka iyo daymadooda, wuxuuse ku dadaalay siduu odeyga isagoo qeylinaya ula sheekeynsan lahaa, cuntadana gacantiisa ugu siin lahaa.
Markey soo baxeen ayuu nin bannaanka uga daba yimid, wuxuu ku yiri wiilkeygiyow ma tabeysaa inaad gudaha wax uga soo tagtay?

Wiilkii wuxuu yiri may, ee maxaan kasoo tagay? “Waxbaad kasoo tagtay, weliba wax weyn, casharbaad kasoo tagtay iyo farriin aad u dirtay dhammaan dadkii daawanayey qadadiina”

“Waxaad dadka dareensiisay cidda ay tahay in la raalli geliyo. Waxaad la qosleysay markey dadku dhibsadaan hadalkiisa, waxaad ka tireysay qoyaanka cuntada, markey ku yaqyaqsodaan, waxaad xasuusisay in ay jirtay waqti uu gacanta kugu hayey, sidaasna aad u hadaaqeysay, mar aadan kala aqoon dad ka midka ehelkaa iyo kan kale”

Daryeel, raalli-geli, xusuuso, dhageyso, oo u dhawoow una dabacsanow markasta kuwii kuu dhawaa markaad u baahneed, kuwii xannaanada, dulqaadka iyo korinta kula dultaagnaa waxkasta oo aad ahaydna doortey inay kaa dhigaan qof asaaggiis wax la qeybsada meelna iska soo saara.Kuwaas ayey tahay inaad u damqato oo aad raalli-geliso.

Qalinkii: Maxamed Axmed Cali Royal

Hadalsame Media