Google iyo Apple oo lagu qabtay arrin khiyaano ah (Fadlan iska jir)

0

(Washington, DC) 08 Sebt 2019 – DF Maraykanka, gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda ayaa hay’aadka Google iyo Apple ku amartay inay bannaanka soo dhigaan oo soo wareejiyaan xogta kumanaan adeegsade oo la degey app-ka doorbinka qoriga.

Dembi baarayaal ka tirsan DF ayaa camaaliqooyinka dhanka tiknolojiyadda ku amray inay Dowladda Maraykanka usoo gacan geliyaan xogta qof kasta oo lasoo degey barnaamijka Obsidian 4.

Barnaamijkaasi waa app lagu soo dejiyo telefoon gacmeedka oo leh adeeg si gaar ah loogu tala galay in loo adeegsado sida doorbinka qoriga sida ku qoran dacwadda oo ay heshay Forbes kahor intaan la sijilin.

Hay’adahan ayaa gacanta ku haya xogaha gaarka ah ee dad kor u dhaafaya 10,000 oo qofood – kuwaasoo aan wax shuqul ah ku lahayn dembi – balse khusuusiyaadkoodii lagu xad gudbey.

App-kan doorbinka qoriga ayaa Google iyo Apple wuxuu usoo bandhigaa xogta kumannaankaa dad ah iyagoo aan fasax uga haysan arrintaasi.

Hadalsame Media