DHEGEYSO: ”Zimbabwe waa na yasayeen!” – Kabtanka xulka Somalia

0

(Jabuuti) 08 Sebt 2019 – Waxaa wareysiga bixinaya kabtanka qaranka Ahmed Ali Mohamed.

“Maasha Allaah dalka Jabuuti wey nasoo dhaweeyeen, hotel fiican ayey na dajiyeen, ciyaartoyda waan is dhexgalnay, qeybta yurub ka imaatay, kuwa ka imaaday America, Canada, Finland, Italy, Xamar, dagmo kasta ay ka imaadeen Alxamdulillaah”

“Macalinka ayaan kalsoonida saaranay, macalin Bashiir, Macalin Salaad oo hadda garabkeyga taagan, aniga markaan imaaday macalinka waan u sheegay Zimbabwe wey na yasaayaan, Kuwaan Soomaalida ah oo aan abidkood badinin, xalayna soo galay Jabuuti, iskululeynta xitaa markaan garoonka soo galeynay waa na yasaayeen, ciyaartoydana waxaan ku dhahay: “Kalsooni isku qaba”, kalsoonidana waa dareenay, meeqa fursad ayaan qasaarinay, ilaahey mahadiis daqiiqadii ugu dambeysay gool ka dhalinay, Zimbabwe wey ogyahiin Insha Allaah bisha sideedeeda waxa usoo socdo”

Wariyaha: Zimbabwe koobkii Afrika u dambeeya wey ka qeyb qaadatay, kulankii ugu horeeyay waxey si fiican ula ciyaareen Masar, Caawa Zimbabwe-dii afrika ka qeyb gashay koobka, Soomaaliya oo iminka soo kobceysa ayaa ka badisay, miyaan la oran Karin waa guul kale oo Soomaaliya usoo hoyatay?

“Aniga waxaan rabaa Dalka Soomaaliya, dadka dhan kuwa kubadda cagta ciyaara ama taageerayaasha iney kalsooni nagu qabaan, xitaa iney riyoodaan, waxaan ka wadaa hadda sidaad sheegtay Zimbabwe waxey ka badiyeen Egypt, anagana waxaan ka badinay Zimbabwe, ilaahaa og meesha aan gaari doono.”

FG: Hadalada qaar sida uu u yiri si ka duwan balse ku macno ah ayaan u qoray.

Waxaa Diyaariyay: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media