Ka bogo JADWALKA safar ee xulka qaranka Somalia (Dalkee caawa ku hoyanayaan?)

0

(Jabuuti) 07 Sebt 2019 – Safarka xulka Somaliya wuxuu bilaabanayaa saacad kadib, waxey ka duuli doonaan dalka Jabuuti.

Caawa waxey ka dagi doonaan Itoobiya oo ay cawa baryi doonaan, kuna nasan doonaan halkaas.

Berito waqtiga hore, qiyaastii 9:00 subaxnimo ayey ka bixi doonaan Itoobiya, waxaana rajo laga qabaa iney duhuradii gaaraan Harare oo ah halka ay ciyaarta ka dhaceyso.

Sidaas waxaa ii xaqiijiyay laba xubnood oo ka tirsan wafdiga qaranka Somalia.

Waxaa Diyaariyay: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media