TILLAABO SAMADOON: Xiriirka Zimbabwe oo arrin DADNIMO ka muuqato u sameeyay xulka Somalia

0

(Harare) 07 Sebt 2019 – Xulka Soomaaliya ayaa sameeyay taariikh kadib markii ay 1-0 kaga badiyeen qaranka Zimbabwe kulanka lugta hore isreeb-reebka koobka Adduunka 2022 ee wadamada Africa, waliba marxaladiisa koowaad.

Kulanka wuxuu ka dhacay Djbouti halkaas oo ay Somalia minan ahaan u isticmaasho maadaama aysan jirin kalsooni lagu qabo amniga caasimadda, iyadoo ay taasi jirto hadana waxaa loo balansan yahay lugta labaad ee kulanka kaas oo ka dhici doona dalka Zimbabwe.

Jadwalka FIFA waxaa ku qoran in kulanka la ciyaarayo 8-da September oo ku beegan Axadda, balse Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa codsi u diray dhigooda Zimbabwe, waxeyna kala kaashadeen FIFA iyagoo dalbaday in kulanka waqtiga loo badalo.

Xiriirka Kubadda Cagta Zimbabwe ee magacooda loo soo gaabiyo ZIFA ayaa bayaan ku xaqiijiyay codsiga kaga yimid Somalia kuna dalbanayaan in kulanka waqtigiisa loo fogeeyo inyar maadaama duulimaadka iyo is diyaarinta aysan suuragal u aheyn iney 8-da bisha gaaraan halkii lagu balansanaa oo aheyd garoonka Barbourfields Stadium.

“Xiriirka Kubadda Cagta Zimbabwe (ZIFA) wuxuu doonayaa inuu ogeysiiyo dhamaan saamileyda kubadda cagta in codsi ka yimid xiriirka kubadda Somalia (SFF) iyo la talin aan ka helnay xiriirka kubadda cagta adduunka (FIFA) darted kulankii lugta labaad ee marxaladda koowaad isreeb-reebka koobka Adduunka 2022 waqtiga laga badalay” ayuu u qornaa bayaan kasoo baxay xiriirka kubadda cagta Zimbabwe.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya waxey dhigooda u sheegeen ineysan waqtiga jadwalka kulanka soo xaadiri Karin halka lagu ballamay sababo dhanka duulimaadka ah.

“Kulanka waxaa la ciyaari doonaa 10-ka September 2019 kadib markii SFF ay ku fashilmeen iney hubiyaan duulimaadkooda Zimbabwe waqtiga uu kulanka horay ugu jadwaleysanaa oo ahaa 8-da September”

“Sidoo kale kulanka waa laga badalay garoonka Barbourfields Stadium eek u yaala Bulawayo, waxaana lagu ciyaari doonaa National Sports Stadium ee ku yaala Harare sababtoo ah kulan kale oo caalami ah ayaa waqtigaas horay loogu jadwaleeyay Barbourfields, ciyaartoyda 23-jirada Zimbabwe ayaana kula ciyaari doona dhigooda South Africa kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka qaramada Africa, waan fahmi karnaa dhibaatada ay arrintani ku keeni karto dhaamaan saamileyda, si buuxda ayaana uga raaligalineynaa waxyaabahaan lama filaanka ah”

“In lagu ciyaaro niyad sami, midnimada afrikaanimo, walaalnimada iyo wadajirka darted, waxaan dareenay in codsiga xiriirka kubadda cagta Soomaaliya uu yahay mid macquul ah oo daacadnimo ah, sidaas darted waa inaan aqbalno hadii kale kulanka ma dhacaayo gabi ahaanba.”

Sidoo kale xiriirka kubadda cagta Zimbabwe waxey u sheegeen dhamaan taageerayaasha iibsaday tikidhada kulanka iney aadi karaan caasimadda, qofka aysan suuragal u aheyn safarkana loo celin doono lacagaha uu ku iibsaday.

Waxaa Qoray: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media