DHEGEYSO: Haweenka oo ragga ka CAYILAN caalamka oo idil, marka laga reebo hal dal

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2019 – Nin ku jira da’da kontameeyada oo calool buuran. Waa sawirka caadiyan laga heeysto nooca cayilka xad dhaafka ah.

Xaqiiqduse waxay tahay in haweenku kaga hor mareen ragga dhanka cayilka, hase yeshee Sweden ey weli raggu ka cayil badan yihiin haweenka. Dhanka kale Sweden iyo waddammada qaniga ahiba wuxuu cayilku ku sii badanayaa bulshada ku dhaqan magaalooyinka yaryar iyo tuulooyinka.

Natiijada cayilka ayaa lagu soo bandhigi doonaa cilmi baaris 2 000 oo qaybood ka kooban oo lagu sameeyay 112 malyan oo ku kala dhaqan 190 waddan, kuwaasina oo ku saabsan hor u marka cayilka oogada BMI waxa loo yaqaanno – Kroppsmasseindex – tusmada culeeyska oogada, BMI. Tijaabadaa ayey Sweden ka qayb ahaayeen 800 000 oo qof.

Iyadoona natiijadii ka soo baxday ay dhici karto iney dad badan ka fajaciso.

Cilmibaaristan ayaa lagu ogaadey isku celcelin in haweenku ka cayil iyo jimxad weyn yihiin ragga. Iyadoona intii u dhexeeysay sannadihii 1985–2017 uu 2 halbeeg kor u kacay guud ahaan tusmada culeeyska oogadu ee BMI-da midkaasina oo gaaray 24,7 haweenka iyo 24,4 oo ragga ah.

Kolka laga hadleyo tusmada culeeyska oogada BMI waxaa tusmada ka sarreeysa 25 lagu tilmaamaa cayil, halka midda ka sarreeysa 30-na ay tahay cayil xad dhaaf ah (fetma). Iyadoona uu cayilka xad dhaafka ahi uu horseedo tusaale ahaan cudurro ey ka mid yihiin kuwa wadnaha.

– Cayilka xad dhaafka ahina wuxuu keenaa dhiig kar iyo cudurka macaanka ama sonkorta loo yaqaanno, waana marka laga cabsi qabo iney yimaadaan udurrada strok-a iyo wadne xannuunku, sida uu sheegay caalinka Stefan Söderberg oo ka howl gala jaamicadda Umeå, kana mid ahmadaxii qayb ka mid cilmi baaristii Sweden lagu qabtay.

Sweden wuxuu weli cayilku ku badan yahay ragga oo qaba BMI-ga ugu badan 26,3 kolka loo barbar dhigo 24,9 oo haweenka ah. Middaasi ayaa ka dhigan in ragga lagu tiriyo kooxda cayilka xad dhaafku ku badan yahay, haweenkuna ey ku dhow yihiin halkaa, balse ka hooseeyaan xoogaa.

Dhanka kale marka laga eego bulshada sweden waxay kala siman tahay waddammada caalamka kor u kaca farqiga u dhexeeya magaalooyinka iyo miyiga dadka ku nool.

Waddammada qaniga ama dhaqaalahoodu uu kor u soo kacayo wuxuu isku celcelin BMI-gu ku kordhay in ka badan dadka miyiga ama tuulooyinka ku nool marka loo barbar dhigo dadka ku nool magaalooyinka waaweyn.

Cilmi baarista ayaa ku macneeysay farkhiga u dhexeeya inay ugu wacan tahay suurtagalllada magaalooyinka lagu heeysto ee tababarrada lagu sameeyn karo.

– Waa dhibaato caafimaad ee bulshada haysata oo lagu kala faqooqan yahay – faqooqa caafimaadka. Waa mid loo baahan yahay in wacyi gelin laga bixiyo goor hore, xilliga iskuulka, sida uu sheegay caalinka Stefan Söderberg oo Sweden uga qayb ahaa cilmi-baaristana. Isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu yiri:

– Waa in dhaqdhaqaaqyada tababarrada looga dhigo dadka oo dhan wax la xiiseeyo oo soo jiidasho leh iyo in cunno wanaagsan la xiiseeyo.

Cilmi baarista ayaa lagu soo bandhigi doonaa joornaalka culuunta ee lagu magacaabo Nature.

Xigasho: Idaacadda Sweden

Hadalsame Media