Madaxwaynaha Nigeria oo tillaabadii 1-aad qaaday si loo xaqiijiyo amaanka dadkiisa lagu gumaadayo South Africa

0

(Johannesburg) 04 Sebt 2019 – Madaxweyne Muhammadu Buhari tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday markii muwaaddiniin Nigerian ah si fool xun loogu laayey dalka South Africa waxay ahayd inuu ergay u diro dalkaas si ammaanka iyo hantida dadkooda loo sugo.

Maanta madaxweynuhu wuxuu qaaday laba tallaabo oo kale kuwaas oo ah In Nigeria aysan ka qeybgaleyn shirka dhaqaalaha adduunka ee ka dhacaya South Africa islamarkaana wuxuu dib ugu yeeray safiirkiisa ka jooga dalkaas.

Muwaaddiniinta lagu laayey South Africa waxay kasoo jeedaan dalalka la yiraah “Frontline” oo u hiilliyey xilligii South Africa ay gumeysanayeen caddaanka tirada yar ee dalkaas. Dadka la gumaaday waxaa ka mid ah Soomaali oo laftooda ku hanti iyo naf waayey.

Dalalka Nigeria, Dr Congo iyo Rwanda ayaa dhammaantood si kulul uga jawaabay falalka Isir nacaybka ah ee dadka Koofur Afrika ay u geysanayaan Afrikaanta kale. Illaa hadda dowladda Soomaaliya kama hadlin dhibaatada loogu geysanayo shacabka Soomaaliyeed dalka Koofur Afrika.

Waxaa Diyaariyay: Cumar Maxamuud Amoore

Hadalsame Media