DHEGEYSO: Facebook oo gebi ahaanba joojinaya tirada ”LIKE-ta” & ”Wadnaha” (Sabab la yaab leh oo ka dambaysa)

0

(Menlo Park, CA) 04 Sebt 2019 – Facebook ayaa ku tallaabsanaya sidii uu ku qarin lahaa tirada suulka kor ugu taagta qoraal, hadal, oraah ama fal shaashada la soo dhigay. Tallaabadaasi ayaa ka dambeeysa si loo yareeyo culeeyska kadeed ee qofka kala soo gudboonaada guusha ama guul darrada suulka kor la isugu taago.

Shaashadda Instagram oo ay leedahay shaashadda facebook ayaa mar aan dheereeyn tallaabooyin noocaasi ah ka bilowday dalal ey ka mid yihiin Kanada iyo Baraasiil, si loo yareeyo dareen xumida ka dhalata haddii aanu qofku ku helin qoraalkiisa wadneyaal badan.

Elza Dunkels, oo ah baare aaladda internet-ka oo ka howl gasha jaamicadda Umeå, ayaan aaminsanayn inay wax ka badaleeyso culeeyska kadeed ee dad badani ka dareemaan aaladaha bulshadu ku kulmaan ee sociala medier. Iyadoona ku macneeysay tallaabadan durbaan meel cidla ah lagu tumay oo aan dhibaatada aasaaskeeda wax ka badalayn.

”Waxay la mid tahay kolkii la xayeeysiiyey in qasharka yaryar (flingor) ee lagu quraacdo la sheegay in 30% laga dhimey sokortii. Middaasi macnaheedu maahan in cunnadaasi noqotay mid caafimaadka u wanaagsan, laakiin waa loo fahmi karaa. Waa sida la doonayo, sida ay sheegtay.

Hadalsame Media