”Waxaa jirta gabar uu dhalay Trump balse uusan jeclayn inuu xitaa sawir la galo!” – SIR la fakiyay & ceeb ka dhacday!

0

(Bedminister, NJ) 31 Agoosto 2019 – Kaaliyihii hore ee Donald Trump ayaa sheegay in uu sir ku qarsaday Madaxwaynaha Maraykanka, taasoo ku saabsan inuu u sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay gabadhiisa, tiiyoo uusan xitaa jeclayn inay sawir la gasho maadaama ay ”buuran tahay” sida uu qabo.

MW Donald Trump ayaa la sheegay inuusan guud ahaanba jeclayn gabadhiisa Tiffany maadaama ay cayilan tahay, sida ay sheegtay, Madeleine Westerhout, oo warkan ku qarxisey garoon xeegada lagu ciyaaro oo ku yaalla Bedminster, New Jersey, sida uu soo xigtey Politico.

Westerhout “waxay ka tuurtay laba beeg” deeta “waa furfurantay” iyadoo wax walba sheegtay “xilli la kala daadsanaa,” sida uu sheegay qof goobjoog ahaa oo is qariyay, waxaana laga soo koobiyay in Trump uusan jeclayn Tiffany, oo ah gabadha ugu yar, isagoo ku faana inuu xiriir wanaagsan la leeyahay, balse waa been.

Waxaa goobta joogey 4 weriye balse midkood – oo ninka Washington Post ka tirsan ee Phil Rucker – ayaa go’aansaday inuu arrintan daaboco, waloow aan saxaafadda loogu tala gelin.

Shaqaalaha Aqalka Cad ayaa badanaa la caba ama la cunteeya weriyeyaasha Madaxwaynaha la safra, iyadoo ay qaar badani Rucker ugu caroodeen inuu ku xad gudbey sirtii lagu qarsaday ee kasoo baxday Westerhout.

Madeleine Westerhout ayaa haatan iska cashishey xilkaasi, kaddib markii ay sirtani dibedda usoo baxday.

Hadalsame Media