DF Somalia & Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis ku kacaya MALAAYIIN doollar + Sawirro

0

(Muqdisho) 31 Agoosto 2019 – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia ku qabsoontay munaasabad lagu kala saxiixanayay heshiis ay wada galeen DF Somalia iyo ururka Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ambassador Jamal, Duqa cusub ee Muqdisho Cumar Filish iyo Safiirka Midowga Yurub Nicolas Berlanga oo goob joog ka ahaa heshiis maalgashi oo ay kala saxiixdeen maanta Soomaaliya iyo EU, kaas oo ku kacayay 23 Milyan oo Euro oo loogu talo galay mashaariic lagu horumarinayo magaallooyinka Xeebaha leh ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa loogu tala galay in lagu hormariyo magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera ee dalka Somalia.

Waxaa halkaa lagu xasuustay laguna sharfay ALLAHA u naxariistee Duqii hore ee Muqdisho Ing. Yariisow iyadoo ay xaadir ahaayeen xubno ka tirsan qoyskiisii oo lagu casuumey munaasaddan.

Hadalsame Media