DHEGEYSO: ”Waa noo astaan!” – Soomaalida oo ka fikir dhiibatey DOODDA Xijaabka hablaha ee iskuullada Sweden + Warar kale

0

(Stockholm) 30 Agoosto 2019 – Dowladda Sweden iyo xisbiyada Centerpartiet iyo Liberalerna ayaa ku heshiiyay miisaaniyadda Ciidamada Xoogga Sweden. Xeer jajabkan ayaa waafaqsan hindise ay gugii hore keeneen Guddiga Gaashaandhigga oo xilligaa lagu guulaysan waayay.

Heshiiska ayaa ku dhisan in miisaaniyadda ciidamada lagu daro 5 bilyan oo karoon sanad kasta min 2022 ilaa 2025-ka. Weriyaha umuuraha siyaasadda ee Mats Eriksson oo miisaaniyad kordhintan ku sheegay tii ugu badnayd tan iyo Dagaalkii Qaboobaa ayaa faahfaahinaya.

”2022 waxay miisaaniyaddu tahay 64 bilan oo karoon, waana lacag badan, balse waxaa guud ahaan ku kordhaysa min 5 bilyan oo karoon ilaa 2025,” ayuu yiri.

…………………………………………

Iskuullada gaarka loo leeyahay ee Sweden ayaa dhex mushaaxaya xaalad dhaqaale oo wanaagsan iyadoo ay dugsiyada – Academedia iyo Dugsiga Caalamiga ah ee Ingiriisku ku dhawaaqeen inay heleen faa’ido ka abdan nus bilyan karoon, sida ku cad xisaab xirka la sameeyay sanadkan.

Cecilia Marlow soo ku sime ka ah maamulka sare ka ah Dugsiga Caalamiga ah ee Ingiriiska ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin inay heleen faa’iido gaaraysa 154 m karoon, halka Academia uu helay 431m oo karoon.

…………………………………………

Beryahan dambe waxaa mar kale dib u soo cusboonaatey dooddii la xiriirtay xijaabka hablaha iyo in laga mamnuuco iskuullada iyo in kale. Cabdi Nuur Maxamed, ayaa sheegay in arrinkaasi ay ka dambeeyso cabsi, islamarkaana gabadhiisa yar uu xijaabku u yahay astaan iyada iyo xaafadda ay deggan tahay.

 

Hadalsame Media